|

Ganacsade Soomaaliyeed Oo Lagu Arkay Astaamaha Cudurka EBOLA Gudaha Dalka Somalia

Warmaxan:Jan,02,2015(SDN/QJ)-Saraakiisha ugu sarraysa xarumaha Caafimaadka Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya inay arkeen Qof ay ka muuqdaan Astaamaha Cudurka Halista ah ee Ebolaha, kaas oo goob cisbitaal ah la keenay.

eboloSaraakiisha Caafimaadka G/Sh/Hoose, ayaa sheegay in ruuxaani ay ku arkeen Deegaanka Warmaxan, markii baadhitaan lagu sameeyeyna uu ka muuqday xanuunka iyo astaamihii uu caanka ku ahaa oo dhami.

Sidoo kale, Arrinta la xidhiidha kiiskaasi, ayaa waxaa ka hadlay Xasan Muxyadiin oo ka mid ah Ehalada ninka looga shakiyay Cudurka dilaaga ee Ebola.

Waxa uu sheegay in ninka ay ugu shakiyeen cudurkan ay ku arkeen caalamadaha sida dhiig uu tufaayo, xumad daran heysa iyo Nabarro ka soo baxay jidhkiisa.

Waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in ninka uu yahay Ganacsade,kaasi oo ganacsigiisa gaadhsiisan yahay ilaa iyo Qaarada Africa gaar ahaan kuwa galbeedka ku yaala oo ah meesha uu ka soo bilowday Ebola,wuxuuna dhawaan ka soo laabtay dalka Guinea uu ganacsi ahaan u aaday.

Kiiskani ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay oo laga sheego dalka hadii ay dhab noqoto in Ninkan looga shakisan yahay Cudur dhacdo in Calaamadaha ka muuqda Cudurka Ebola uu yahay halis lasoo daristay dalka. Somalia.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed