|

Ganacsade Lagu dhaawacay xalay Magaalada Kismaayo xarunta gobolka J/hoose

Kismaayo Dec 15 2012 (SDN)- Kooxo hubeysan ayaa xalay waxa ay ganacsade caan ah ku dhaawaceen Magaalada Kismaayo ee gobolka J/dhexe.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Kismaayo kooxo hubeysan ayaa xalay Magaaladaasi ku dhawacay ganacsade caan ah oo siweyn looga yaqaano Kismaayo.

Kooxihii falka dhawaca ah geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxana halka ay wax ka dhaceen soo gaaray ciidamad gacanta ku haya Magaaladaasi kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay.

Lama shaacin Magaca ganacsadahaasi la dhawacay laakiin saraakiisha dowladda ayaa sheegay in ay ku raad joogaan soo qabashada kooxii falka dhawaca ah u geystay ganacsadahaasi.

Maalmihii danbe Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ayaa waxaa ka dhacayay falal ammaanka ka soo horjeeda kuwaasi oo lagu waxyeeleynayay dadka waxgalka ah ee ku nool Magaaladaasi

 SDN-Kismaayo

Comments are closed