|

Ganacsade Caan ahaa Oo Xalay Lagu Dilay Galkacyo

Galkacyo:Aug,13,2014(SDN/QJ)-Wararka naga soo gaadhay Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxo hubaysani Habeenkii xalay ku dileen Nin ganacsade ah oo caan ahaa.

???????????????????????????????Ninkan ganacsadaha ah oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Macalin, ayaa waxaa la sheegay in si weyn looga garanayay Suuqa Gaalkacyo, oo in muddo ah halkaasi uu ku ganacsan jiray.

Niman hubaysan oo Bastoolado wata ayaa rasaas ku harqiyay Xuseen Macalin, xilli la sheegay inuu ka tagay goobtiisa ganacsiga Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo uu ku lahaa.

Mid kamid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in dilka kadib xalay goobta ay soo gaadheen ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland, kuwaasi oo goobta ka qaaday meydka marxuumka.

Saaka wararka laga helayo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan xaafada Garsoor ayaa ku waramaya in ciidamada ammaanka Maamulka Puntland ay wadaan howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Inta badan Xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo ayuu ka socdaa howlgalkan ammaanka lagu xaqiijinayaa, sidoo kalena lagu baadigoobayo ragii ka dambeeyay dilka ninkaasi ganacsadaha ah.

Dilalka ugu badan ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxa ay ka dhacaan Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo ah goob saaxiib la noqotay Dilalka qorshaysan ee loo geysta dadka Badhtilmaameedka ah.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed