|

Galmudug oo diiday in Hobyo uu ku xidho Markabkii reer Somaliland u rarnaa ee Burcadu dhawaanta qafaalatay

Hobyo Feb 25,2012(SDN)-Taliyaha Qaybta Booliska ee Maamul goboleedka Gal mudug Cabdi weli Xasan Xirsi ayaa sheegay caawa in Markab u rarnaa ganacsato reer somaliland oo ay koox budhcad badeed ahi la soo galeen xeebahooda ay maanta ka saareen isla markaana uu galabta u shiraacday dhinaca biyaha Puntland.

Taliyahan oo Khadka Telefoonka Caawa ugu waramayay Weriye Khadar Maxamed Cakule oo ka tirsan Radio Hargaysa ayaa sheegay in maalintii Shalay ay ogaadeen in markabkaasi uu doonayo inuu ku soo xidho dekeda Hobyo taas oo sida uu xusay uu maamulkoodu amar ku bixiyay inaan la ogolaan in Markabkan oo u rarnaa ganacsato reer somaliland ah lala soo galo xeebahooda taas darteedna ay weerar ku qaadeen saaka ku qaadeen lixdii subaxnimo waxa uu intaas ku daray inay ku guulaysteen inuu markaabkaasi ka baxo biyaha maamulkooda .

Taliyaha Qaybta Booliska ee Maamul goboleedka Gal mudug Cabdi weli Xasan Xirsi waxaa hadalkiisii ka mid ahaa

Markabkan ayay kooxdan budhcad badeeda ahi ka qafaasheen todobaadkii hore biyaha dalka Cumaan Xili uu ku soo jeeday dekeda Magaalada Berbera.

SDN-Hobyo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed