|

Galaha Wasiirada oo Sheegay in meel wanaagsan uu marayo Dhismaha M/Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shebellaha dhexe

Muqdisho, 18 August 2016 (SDN/QJ): -Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shir ggddoomiyey kulanka asbuuc laha ah ee Golaha Wasiirada waxana looga hadlay qodobo ay kamid yihiin, xaalada siyaasadda dalka iyo daba-galka hantida qaranka.

 

Golaha Wasiirada SomaliaMudane Cumar Cabdirashiid ayaa warbixin la xiriirta xaaladda siyaasadda ee dalka u soo gudbiyay golaha Wasiirada, jsagoo sheegay in maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shebellaha dhexe ay meel wanaagsan marayso, sidoo kalena barrnaamijka doorashooyinka si wanaagsan looga shaqeynayo islamarkaana tababar loo soo xiray gudiyada maamul goboleedyada ee doorashooyinka.

 

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda ahna gudoomiyaha guddiga badbaadinta hantida qaranka ayaa golaha Wasiirada ka hor sheegay in ay jiraan Wasaarado soo gudbiyay xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan tahay hantidii ay lahayd dowladii dhexe ee Soomaaliya ka hor bur-burkii 1990 kii Wasaaradaha dhimanna ay si dhaqso ah u soo gudbiyaan.

 

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa golaha ku hor amaanay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga dadaaladda ay wado ee ku aadan dhiira-gelinta dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana sheegay in Wasaaradiisa ay la timid waxqabad cad oo ay kamid yihiin ciyaarihi gobolada oo dalkeena u horseeday inuu yeesho muuqaal wanaagsan.

 

Ugu dambeyntii Golaha Wasiirada oo uu hormuud u yahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa waxey soo dhaweeyeen shirkii Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, isla markaana waxay bogaadiyeen Carwada Buugaagta Muqdisho oo shalay laga furay Muqdisho kuna tilmaameen iney tahay bog cusub oo u furmay shacabka Soomaaliyeed oo u jiheeynaya wadada aqoonta iyo nabada.

Comments are closed