Gacan Ku Dhiiglihii Dilay Samafale Cabdiraxiim Rabiish oo Lagu Qisaasay Magaaladda Buuhoodle
Buuhoodle 09. May 2017 (SDN/QJ):- Maxamed Faarax Dayib ayaa dil Qisaas ah lagu fuliyey magaalada Buuhoodle kadib markii uu diley Abdiraxiim Saleban Faarax “Rabiish” oo ka mid ahaa dhalinyarada fara ku tiriska ah ee u istaagay wax ka qabashada arimaha Bulshada.
Qisaasta ayaa timid xili ay isku afgarteen labada beelood xeer u yaaley degaanka Buuhoodle oo ahaa cidii wax disha in loo qisaaso, taas oo lagu fuliyey 6dii bilood ee la soo dhaafay afar gacan ku dhiigle sida uu sheegay wariye Khadar Cawl oo ah suxufi halkaasi ka hawl gala.
Talaabadan ayaa laga soo dhoweeyey guud ahaan degaanka iyadoo culimada qaarkood oo halkaasi ka hadlay ay sheegeen in qisaasta ay noloshooda ku jirto, ka waxdileyna ay aakhiradiisu ku jirto.
Mutadawaca dhintay oo habeenkii shanta April ahayd la dilay ayaa waxa uu ahaa aqoonyahan gacanta ku haya iskool dadka danyarta ah wax lagu baro, waxaanu ahaa shaqsigii koowaad ee isku taaga taakulaynta abaaraha, xiligii shubankana waxaa uu hogaan u ahaa dhalinta quudinta bukaanka.
Ururada dhalinyarada degmada Laascaanood ayaa isugu yimid kulan baroordiiq oo ay tacsi ugu dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Alle haw naxariistee Abdiraxiim Saleban Faarax “Rabiish” waxaanay xuseen waxqabadkii uu bushada u hayey.
Sidoo kale waxaa magaalada Hargeysa kulan kaas oo kale ah ku qabtay dhalinyaro gurmad caafimaad u tegey magaalada Buuhoodle waxaanay kulankaas ku xuseen mudadii ay halkaas joogeen wixii ay kala kulmeen iyo dadaalkiisii, iyagoo marooyin cas madaxa ku xidhay si ay u muujiyaan dareenkooda tacsi iyo taariikh nololeedkiisii ayay halkaasi ku soo jeediyeen.