Gaboose Xukun Ka Fog
Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato.
Waxa cajib ah nin siyaasi ismood ah oo ka so bixi kari waayay xil wasiirnimo ba raaba kursiga ugu saaraya ee dalka kaas oo ah madaxnimada !?,dalku miyuu xamili kara nin kolba xil ka cararaya oo mawadiniinta is qab qabanaya mar walba kaas miyuu ku haboon yahay madaxweynimo!? ma nin hanti qaran cunay kaas miyay Somaliland aamini karta!? ma nin u adeega cadawga qaranimada kaas miyaay Somaliland dooranaysa isaga iyo Ururkiisa ba ?!! ila maaha !
Taariikhda soo jireenka ee bani aadamka waxay ina faraysaa in qofka laga eego dhanka dhaqankiisa amba beeāada uu ku soo koray ee uu ka soo jeedo dhaqan ahaan, uu nololashiisa wax badan ka wato amba sida u dhaqmo hab nololeedkiisa uu ku soo barbaaray, Gaboose ( Wiilka Mudug ) waanu oognahay hab dhaqankiisa kaas oo ah mid Mudugii ah!!.
Gabose waa nin aan xurmo, xeer iyo dhaqan aan la wadaagin Somaliland, dhamaciisuna maanta hurineysa in u ku soo gabado Urur siduu kursiga u heli laaha, hadhawnaa xamar bela shuurud ku geeyo!, ma ninki marku aha wasiirka ariimaha Gudaha sii daayay maxaabiisti puntland ilaayen waa abtiyaashiis maana xamili karo inuu iyaagu xidhan arko !, waa qof danta cadawga Soamaliland u adeega ila maaha shacabku inay dooranayaan !.
Wiilka Mudug waa ninkii keenay in ciidamada loogu tago xeryahay !, waa ninkii waddanka qasay intuu hayay oo ku fashilay ceelbardalay iyo kalshaale !, wasiirka ariimaha gudaha Maxamed Nuue Caraale Duur naa waxyaalo badan ayuu ka qabtay ceebihii Gaboose oo kaga cararay xilkaas qaran ka dib !.
Gaboose waa nin laba waji ku socda aan yaxyaxin, oo qofba sida uu doonayo wax ugu sheega amba qabyaalad ha isticmaalo, amba Dimuqraadiyad ha isticmaalo, waa damac masiibo ah oo mujtamaca Somaliland lagu soo tuuray inshaa alaah isaga ayaa iska daali doona oo baran doona ka dib inay dhakhtar nimadisu ay u dhaanto ,siyaasaduna u daayo dadkeeda u leh ! nin siyaasi ah oo isla soo shaqeyen gaboose oo amaanay maba jiro ee halka ka garo !.
By Mukhtar Cilmi
khadar2244@hotmail.com