Gabiley:Nin Dhawaan Xijaabka Dumarka Ku Lebistay Oo Maxkamad La Soo Taagay
Gabiley:July,25,2014(SDN/QJ)-Waxa Maalintii shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla Magaalada Gabiley nin Bishan gudaheeda lagu qabtay Magaalada Wajaale isagoo ku lebisan Xijaabka Dumarka.
Ninkan ayaa la sheegay inuu yahay nin Ethiopian ah, gaar ahaan ka dhashay qoomiyadda Oromada oo si xawli ah u soo gelaysa Magaalada Hargeysa iyo Magaalooyinka kale ee Somaliland.
Ninkan ayaa loo shakisan yahay argagixiso, ayaa Maxkamaddu u dirtay Toddoba cisho oo rumaan, waxana la geeyey Jeelka weyn ee Magaalada Gabilye.
Maxkamadda ayaa sida muuqata wali wadda ka-baaraandegidda kiiska ninkan oo shacabka ku dhaqan deegaanadaasi si weyn u hadal hayaan muddooyinkan dame.
Sikastaba Ha Ahaate Waxa La Filayaa In Bacda Ciida La Horkeeno Maxkamada Waxana Lawada sugayaa Waxa Kasoo baxa Arimaha Ninkaasi Oo Looga Shakiyay Falaal Nabadgalyo Daro awgeed.
SDN/QJ
Somalidiasporanews.com