Gabdho Doonayey Inay Xarakada Al-shabaab Ku Biiraan Oo Ciidamada Kenya Gacanta ku Dhigeen
Garissa:Aug,23,2015(SDN/QJ)-Laba Haween ah oo la sheegay inay kasoo kala jeedaan Dalalka Kenya iyo Tanzania oo doonayey inay ku biiraan Xarakada Al-shabaab, ayaa waxa Gacanta ku dhigay Ciidamada ammaanka waddanka Kenya xilli ay isku dayayeen inay ka Gudbaan Xuduudda Somalia.
Ms Fatuma Bariki Makame, oo 28 Jir ah, iyo Ms Swabra Abdallah, oo 23 Jir ah ayaa waxay wateen Saddex Caruur ah oo ay dhaleen xilliga la qabanayay, waxaana Booliska ay sheegeen in Haweenkan ay doonayeen inay galaan Somalia, si ay u guursadaan Rag katirsan Al shabaab.
Fatuma Bariki Makame waxay u dhalay dalka Tanzania, halka Swabra Abdallah ay Kenyan tahay, waxaana la sheegay in lagu qabtey 12-ka Bishan Degmada Ukunda, Xeebta Koonfureed ee dalka Kenya xilli ay Gaari Yar la socdeen iyaga iyo Caruurtooda oo Da’dooda lagu kala sheegay 7, 4 iyo 2 Sano.
Rag katirsan Al shabaab ayay sheegeen Booliska Kenya inay Gabdhahan ka shukaansadeen Baraha Internet-ka, kadibna ay u balanqaadeen inay guursanayaan haddii ay ugu tagaan Gudaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Goobaha Al shabaab joogaan.
Booliska Kenya ayaa sheegay inay il-gaar ah ku hayaan Dhalinyarada lagu xagjireeyo Baraha Internet-ka, ee doonaya inu ku biiraan Kooxaha waxay ugu yeedheen Argagaxisada, sida Al shabaab iyo Daacish/IS.
Wararka ayaa sheegaya in Dhalinyarada Kenya ay 70% ay ku bixiyaan Waqtigooda raadinta halka ay kala xidhiidhi lahaayeen Al shabaab ama Daacish, si ay ugu biiraan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com