DHEGEYSO:Gabayga Diilintii Cagaarayd”Xirsi dalab halkuu doonayiyo darajo loo dhiibye, Morganyare dilaalbuu noqdoo doonyo soo raraye”
Ottawa April 20,2014(SDN/QJ)-Abwaan Khadar Keyse ayaa mar kale curiyay gabay isugu jira jawaab iyo ka waranka wacdiga dalka oo la yidhaahdo Diilintii Cagaareyd.
Abwaanka ayaa na soo gaar-siiyay Gabayga oo qoraal iyo maqalba ah ee ka bogta.
[peckplayer id=”1″ sound=http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/diilintii.mp3]
Diilintii Cagaarayd
Dhaaxaan dulqaad muujiyoon daahay hadalkiiye
Dhaaxaan waxbadan daa lahaa doodna aan xidhaye
Dhaaxaan ninkii ii darraa aan darmo u dhigaye
Duddadayda dhaaxaan u furo daawo aan idhiye
Kol hadduu wanaag daadiyuu daacadnimo aasay
Dubbahayga ruuxaan la helo waayo dalandoolye
Maantana cadaawaa daldalan seefna darayaaye
Dad alla u markhaatiya ninkaa soo dinaahiyaye
Aan dabaalo dooriga isbide dibi ismoodaaya
Kitaabkana bal hoos aan u dayo daalac waxa raacay
Ilko dugula, cirrid daamuro cadayga loo diiday
Afka dukhula dibnahaa karkaran carrabka dooreystay
Indhaa daafka yeeshee ilmadu wada dareerayso
Doqoniimadaa kugu duxdaa kaaga sii darane
Waxkastaba dabiibbaa jiroo lagula daalaaye
Dammanaanta mooyee waxkale daawa loo helaye
Ninwaliba dabaalkuu lahaa wuu dabranayaaye
Waxay adiga kuu doorbideen doolar dhaafsada’e
Dan wadaag haddii aad tihiin ehel is doonaaya
Oo aad duriyaddii tihiyo ubadki dee sheekha
Xirsi dalab halkuu doonayiyo darajo loo dhiibye
Dusha ugu sareeyiyo wakaa fuulay dabaqiiye
Morganyare dilaalbuu noqdoo doonyo soo raraye
Darkaloon shaqaynbaa jiroo dawladda u qorane
Debadaha ragbaa jooga weli jeegag loo dira’e
Maxay adiga kuu dayriyeen dunida kaa reebay
Darxumada maxay kuugu dayn diifta kugu taala
Gabadhii duloowdee tolkeed waano kala daalay
Ee tidhi ragbay doonayee ii degdega aabo
Maahmaah da’waynbay ahayd duluc aroorkeede
Waxaan daa ku idhibaad haddeer dabada haysaaye
Sawnigii shalay kuu digee kaaga dacareeyey
Sawnigii dardaarmee ku idhi doori dhaqankaaga
Ma daloolka dhagahaa xidhmoo daranyo soo gaadhay
Maadigaa is diidsiinayoon daniba kaa haynin
Mise hadalki aan soo diraan kaaba degiwaayey
Dalka oo abaar daran heshoo degelku naafoobay
Habartay daruuruhu heleen darafki ay joogtay
Daadwararacdeedii ayaad damac wadaagtaane
Hadday adiga kuu darartayood daabbad keli maasho
Oo weliba kuu dihintahoo doobke laga buuxsho
Dabba reero aan shidan ayaad deris wadaagtaane
Adigoo damiinoon la soco duni waxaa yaala
Daf inaad tidhaahdaa marqudha waa dagaagnimo’e
Tuu cigaal (a.u.n) tolkii uga digaad dugashanaysaaye
Nin dibiray dareenkii hadlow dan iyo xeeshaaye
Ninkii adhiga daayacay markii geela lagu daayey
Markii diinka loo diray dabbaan doontay qalinkiiye
Maansadii darraad iyo haddaan duubay hadalkayga
Ama aan dareenkay cabiro xaashi lagu duugay
Dar ilaahay kuu nacay haddaan dood ku maqashiiyey
Oo uu wargees daabacoo dunida gaadhsiiyey
Ma waxbaa u daahnaa horey dad isu seegeene
Ma dayrkii makaan gubay haddii madaxda aan daaray
Afartaa daliishaye cabdow deelka curintay dheh
Cadaawaa murtiba deebiyee waan dugsiyayaaye
Anoo daansha-daanshoon ayaan daabacoon qoraye
Dayaxoo iftiimiyo wataa dahab lamoodaaye
Afarkalena wuu iga dalbee aan dadka u sheego
Nin ilaahay doortaan ahoo diin ku caabuda’e
Digrigiyo quraankaba ninkaa daayimaan ahaye
Dubku nimuu dhaqaaqaan ahoo waan damqanayaaye
Duunyo laguma faaniyo waxaan dunida oolayne
Doolar waan shaqaystaa haddana deeq ka bixiyaaye
Aakhiraan dadaal ugu jiraa doorna bidayaaye
Duhurkiyo habeenkiyo markuu waagu daalacaba
Dambi dhaafka eebiyo jannaa lagu ducaystaaye
Wanaagoo ilaah laga dalbaa lagu dadaalaaye
Naf dardaran damiirkuna bakhtiyay hadalna deeqaynin
Nin dantiisu seegtiyo intaa nacas ku daalaayo
Ninmuu jaad dishoodiyo intaan daganahaa eegi
Maxaan uguba daalaa nin uu dayrshay kii xigayba
Afartaa daliishaye cabdow deelka curintay dheh
Cadaawaa murtiba deebiyee waan dugsiyayaaye
Anoo daansha-daanshoon ayaan daabacoon qoraye
Dayaxoo iftiimiyo wataa dahab lamoodaaye
Afarkalena wuu iga dalbee aan dadka u sheego
Taariikhda duugga ah ayaan kuu dulmarayaaye
Xirsi dicin haddii aan dayoon dib uga faaloodo
Dabadheer abaartii dhacdee duunyo wada laysay
Tujuumiyo sablaalaba dadkii dacalka loo saaray
Qaxoontigi la daabulay ayuu haystay darafkaase
Maruu dabo maruu diirka dhilo ama daboolsaaro
Maruu shabagga daadshiyo maruu doonyahaa raraba
Maruu dalagga beeriyo maruu daafi soo jaraba
Marku roobku da’ayee nimcada daadku mulacyeeyey
Marki ay dareentii qoydee doogu wada fiilay
Ninwaliba bartuu degijiroo dooganbuu yimide
Dabadhoonka waakii noqdee geela loo diraye
BI-EJ-DHII (PHD) dadaalbay rabtaa duunyo fara wayne
Dugsi sare ha joogtiyo inuu qaato digiriiye
Maysagaa iskuul lagu daroo darajo soo hooyey
Dagaalada halkeebuu ka galay amase duulaanka
Nin dubaabad jiidhoo hadana dakharra soo gaadhin
Intaan dunida noolaa mamaqal daayin abidkaye
Ilaahbayna dilayee walaal been ha noo darine
Hadma faanka nagadaynaysaan kamaba daashaane
Afartaa daliishaye cabdow deelka curintay dheh
Cadaawaa murtiba deebiyee waan dugsiyayaaye
Anoo daansha-daanshoon ayaan daabacoon qoraye
Dayaxoo iftiimiyo wataa dahab lamoodaaye
Afarkalena wuu iga dalbee aan dadka u sheego
Qofwaliba diyaarbuu ahaa dib u xorayntiiye
Dibusocodka mooyee ninkale diidmo laga waaye
Diridhabe ayuu joogayoo diif ma uu qabine
Isaguba dalxiisbuu ahaa daawasho u yimide
Hilton iyo waxay degijiree dabaqyo waawayne
Dajiday ku wada nuugayeen duul amxaaraahe
Shirqooladi dahsoonaanjiruu degeyey waagaasi
Waxa taa daliil kuugu filan cidina diidaynin
Aadan shiine sawkii dilee dacarta leefsiiyey
Koosaarna sawtuu daf yidhi dabinki loo qoolay
Duruufii markaa jiray ayaa xaajo loo dadaye
Xornimaa lawada doonayoon doodba loo furine
Inteebuu sarkaal daabaxoon daaha laga faydin
Dibindaabyo mooyee markuu doojinkariwaayey
Markii uu khilaafkii durkee dabarka uu goostay
Degdegbaa go’aan lagu fushay doodna loo furaye
Cabdibaa (Tuur) la doortoo markaa duubka loo xidhaye
Isna daadaheeyoo marqudha daalay muu odhane
Markaasaa dirays loo xidhoo maabka loo degaye
Kolkii ay dayaantee arlada guuxu damiwaayey
Darbiyada ragii uga dhecee dumiyey ee jiidhay
Madaafiicdi dananaysayee danabka moodaysay
Dakanaha markuu raadsadee geesi diriraayay
Diric iyo markay kala milmeen doqonki ooyaayay
Daakiraadda subax maalintii dayrka lagu meeshay
Daarihii berjeex maalintuu dogobku qiiqaayey
Dabalaab markii lagu furtee kaare lala doontay
Dumarkiyo carruurtuba markii deeble lagu yaacay
Durdurrada markuu nagaxidhee dumiyey ee aasay
Daruurigu markii uu go’ee daawo laga quustay
Marku duunyo keenii lahaa doolar bixinaayey
Marku daarihiisii gaduu deeqsi wada dhiibay
Markuu shicibku doorkuu lahaa muujay dacalkiisa
Marku cadaw dayoobee sidii deero kala yaacay
Difaac iyo markii weerar culus layska dabakeenay
Dafo iyo markii habar-dugaag maydku wada deeqay
Dalandoolka waayeel markuu daal la kiciwaayey
Diihaalna hooyada ka jaray dux iyo iidaanba
Umushii diciifiyo markay daranyo soo gaadhay
Dhalaankii markuu daatayee gaajo wada diiday
Ee naaska lagu soo duwee uu dindimiwaayey
Iglanbuu u duuloo markaa waaba kii dudaye
Waxaay dirirtu xoogaysato labada daamoodba
Alle daa’in weeyee markuu libinta noo daayey
Maalintii diyaar laga dhigeen dowladnimo qaatay
Doolaalo waatuu ku yimid doorna muu qabane
Ilaahbayna dilayee walaal been ha noo darine
Hadma faanka nagadaynaysaan kamaba daashaane
Afartaa daliishaye cabdow deelka curintay dheh
Cadaawaa murtiba deebiyee waan dugsiyayaaye
Anoo daansha-daanshoon ayaan daabacoon qoraye
Dayaxoo iftiimiyo wataa dahab lamoodaaye
Afarkalena wuu iga dalbee aan dadka u sheego
Maalintuu dardaarmaayayee foodka laga doortay
Dadka iyo dalkoo wada socdoo derin wadaagaaya
Oo labada daamood nimcadu wada dareerayso
Duuduubka waakii ku yidhi daahir hoo qabo’e
Isagoo dunuubtaa galoo dakane soo hooyey
Hadduu shicib dan moodoo markale darajo kuu dhiibay
Diyadii horeetaa ninyahow loo dablaayahaye
Dibso iyo ismuu odhan markani daacad uun noqo’e
Doorashooyinkii dhacay ayuu deebshay xuladkiiye
Daawaysigeenii wakaa daadiyee qubaye
Fiidel iyo Ra’uulbaa dalkiyo doonta noo wada’e
Wariyihu dareenkii ma qoro doodna laga waayey
Dibadbaxa shicbiga muujiyee biyaha loo diiday
Cashuurahan danaystuhu hagee dacalka jiidaayo
Ninkastoo dadaafeeya oo diida hadalkooda
Araryuu (R.R.U) afkii duubataa loogu dawgalaye
Dhalintay xaqoodii dulmeen bay dafirayaane
Deken-deken ayaa laga dhigoo waa la duudsiyaye
Caruurtaa dibboonaysa’ee dooxa wada joogta
Daroogadu kuwaa ay dishee miyirku doorsoomay
Baddu inay digsiisiyo inay duubcas wada layso
Laba daran midkay dooranbaa doodu ay mariye
Xaabsade markii uu diree diiraddana saaray
Darajada markii laga rifee dibadda loo tuuray
Dakhli iyo wixii dow kubaxa looga dacareeye
Xirsibaa dammiin looga dhigo duudka loo sudhaye
Boorame ilaa dila markuu daamur dhigiwaayey
Dibadjoogu waakaa kacee maalka soo diraye
Salaxlayba raggii degijiraa doolarka u guraye
Baligubadle duunyada u huro deeqna lama siine
Xaruntii dalkeenaba kuwii daayac tiriwaayey
Miyaa ceerigaabiyo burcana naga daryeelaaya
Ilaahbayna dilayee walaal been ha noo darine
Hadma faanka nagadaynaysaan kamaba daashaane
Afartaa daliishaye cabdow deelka curintay dheh
Cadaawaa murtiba deebiyee waan dugsiyayaaye
Anoo daansha-daanshoon ayaan daabacoon qoraye
Dayaxoo iftiimiyo wataa dahab lamoodaaye
Afarkalena wuu iga dalbee aan dadka u sheego
Waxba yaan darjiidhine waxaan hadal ku soo duubay
Danyartiyo agoomaha dhammaan waad u darantiine
Inta odaygu daartaa ku jire daaranyahay laydhku
Ku durduriya ruuxii damqado dooxa idilkoodba
Cirka oo darooriyo allii daa’imaa jira’e
Anna samirka aan sii dugsado daayin talo saarto
Aan ku dilo dalaaq aan ku furo hayna dudin weeye
Aan ku dago dagaal aan ku bade daalin hay bixinin
Aan dabaasho daadkiyo nimcade daana hay odhanin
Aan daldalo ninkaa doonayee dood ha ii celinin
Aan dafiro dadkana aan dhacnee daaha xumahayga
Digtaadoorku dhaqankuu lahaa doorna muu dhimine
Wacadkii darraadiyo ayaa duray wanaagiiba?
Diilintii cagaarayd maxaa saaray daan keliya?
Durdurrada maxaa loogu xidhay dooyo keligeeda?
Darka yaa u shubay geela oo didiyey kaygiina?
Maxaa dirirku nuurkuu lahaa damiyey geestayda?
Ayaa daajay kiisii intuu kaygi dabargooyey?
Ayaa daqayga jiidhkiyo la baxay daribta neefkoodhan?
Muxuu awrku doobtii u gabay gu’iyo dayrtiiba?
Durdurada maxaa uugu wacan doobirbaan idhiye?
Maxaa faraski deeg aan lahaa dayrka uga booday?
Muxuu cadarka doorshaan u nace duurka ugu yaacay
Xageebuu dirsoocani ka yimid darafyadii gooyey?
Nabaradan dakaamaaya yaa damaqa gaadhsiiyey?
Dagganaansho yaa uga ba’oo nabadda diidaaya
Daacibaan u haystiyo inuu daacad noo wada’e
Dantooday ka raaceen cabdow duhur dharaareede
Biyaafaraba way kaba dareen duulkan soo koraye
Ayaxaa dawaafiyo sidii diirta noo cuna’e
Markastoo ay daacanba way soo dalbanayaane
Waxkastoy digsiiyaan cabdow deeqikariwaaye
Waar ma daaniyaa saw kuwani qaar dibira maaha
Khadar Kayse Maxamuud