|

Gabaydoo Hargaysana tixbay soo gudbinaysaaye

salaan ka dib hadii ay jirtay maansadii good iyo
guuleed ee soo baxday 1981 ee uu sameeyay mujaahidkii
waynaa abwaankii waynaa ee soomaliyeed tuu tarabi
gartii loo qaaday good iyo guleedna waxaynu ognahay ka
dhacay bal hadaba mid taa ka yara duwan ayay haragaysa oo
taariikhdeeda ama aasaaskeeda qofba si uga sheekeeyo
xaaji cabdi oo imika dadiisa ku sheegay 117 markhaati
gashanaysaa hadaba tuu tarabi intuu gandaal tuuray haduu
qaaxo ka hilaacay iyo snmtii faryo bidixna ka baxay ana faryo
midig ayaan ka baxayaaya yaan tiriik lay daba qaadane anigoo
ismaaciil faaliyaa waxaan idhi

waa giraan wareegtoo aduun galinba waa cayne
gabal dhiciyo waagii baryana midiba waa gaare
geedigeedna eebaa dhigoo waa isdaba guure
taariikh gunteedana hadaad gacale doonayso
waxa gayiga soomali iyo gabi ahaanteedba
sooyaalkeeda laga goobi jiray gabayo geeraare
taana waxa gorfayn kara bulshooy guurti odayeede
waxse gole la geeyaa waxaad garan taqaanaaye
ruux geel aqooniba hadii gaajo ay qabato
u gaal gaalna soo yara maqliyo godolka lagu maalo
la arkee golooftaba inuu gorof u qataaye
nin qabsaday go,aagana marbaa loo gar bixiyaaye
gadaal dhaladku goortuu qaldee gabiyo jiidhsiiyay
ama ruuxba tii ka soo guduun suuqa soo galiyay
gabaydoo hargaysana tixbay soo gudbinaysaaye
waxay tidhi guyaal hore markaan gago cidlaa joogay
ee ay gayigan kala riixayeen garabyo wayn duushay
gaangii wadhafka lagu baacsadee loo guntaday dhagaxa
garkan sarena gaylanku ka dhacay guluf colaadeedku
ayaan guushan barigaa heloon guunyadii furaye
dooxan gobalkay biyaa gaaxiyaa layku soo dagaye
xeryo guulo waagaan ahaa geela lagu hooyo
ama kaymo godad ceel leh iyo meel guf iyo cuuna
gudaa suuqa goobtaa ganacsi laysla garab yaalo
gamaan farasi uu daaqi jiray gaane lagu soofshay
geed xabeeya barigaygan iyo gacan libaaxdaydan
iftin gaafaheediyo dunbuluq guri jameecaadkan
gurya samiyo siinaydan iyo xaafadaa gol jano
hawdd iyo waqooyiyo galbeed gabiga aagaygan
afartaydan geesood garida laga garaacaayay
herar qawdhan goolaftamee faarax goodiyay
waxay gabayo isku soo tirsheen tix iyo geeraaro
mid garaadla hanfadaan ogayn gabanta yeelkeede
ku haasaawe gadhcadii tagtaa meel shir iyo geede
hargagaysna maygaag tu yidhi lay diwaan galiye
buuro naas gabdheedloo hadana golis la moodaayo
waa calaamad ii gaar ahoo gooni lay dhigaye
kiinkii talada garta goyn jiriyo boqoradii gaanga
gumaystahana gudidii heshiis goobtan kula qaatay
guud cadiyo madawgaba ragii amarka gaadhsiiyay
ma gudboona gadhwadkaan lahaa soo galootiga,e
abaal gobi ku deeqdiyo la arag aadmi aan gudine
galadiyo wanaagii hadaan laga garaabaynin
garbay noqotay inaan guurtiyeey galowda taabtaaye
geeshkan jooga asalkaan ahaa garanba maayaane
inkastuuse dhangagaal gafuu gadaf ku sheekeeyo
gadmanmayso taariikh runoo waan gun dheerahaye
beentana lugbaa gaabanoo way gundhinaysaaye
markaad qabato gomadkii go,anaa way galgalataaye
murti gaaxsan qarniyaal galbaday soo golaa dhigaye
wixii dhaxal gal aan noqonahayn ways iska gudhayaane
isku soo min guurshee xisaab ma isku wada gaystay
gobo kalene waan baanayaa gees isku baydha
mar hadaan giraantaa cid kale gaasa bixinaynin
waxaan gabaygan maansadan ku tabin gomoro maahmaahe
isagoon gun dheer iyo lahayn laamo gaamurayba
guudka sareba waakaa ka baxa qadowgu geedaaye
hadii gantada baarkana la sudho waaka soo go,ae
ana gayigay waayuhu maree kala godoomaayay
haduu boqol gu dhaafiyo markii qaydka loo gadayay
ama gurayga waaguu ahaa geela celinaayay
ilaa gooshgan maantaa waxaan galinba soo daaqay
xaajigaaba goob joog ahaa gabi ahaantoode
waana marag gal ii xay ahoo galabta ii noole
gudoon jilicsan garta weecsanbaad godob ka qaataaye
garbi adagna waydinkii u qiray guurti odayeede
gaawaan raacu taariikh gabnay gole la fuulaane
soconmayso gabgablaa qoraa sheeko gaabnida,e
gobalkaa hargaysana cabdiba waa gaduu, u dhigo,e?
talo uu gorfeeyiyo wuxuu ruux la tago geedba
gardii laba nin loo qaadayaa uma gudboonaane
gudidii la saaraa haday qodobo soo goyso
midbay guushu soo raacaysaa midina waa gawe
kii gafuurka taagana ka wacan kii garowsadaye
———————————————————
afartaasi waa guud mar hore kala gur sooyaale
gada kalena waa wada jirkaa loo gol leeyahay
———————————————————
waa heer la gaadhiyo iyaba horu mar goorteede
in qabiilku soo gabaabsiyoo qaranba loo guuray
wakaa gayigi dawlad uu dhistee loo guntaday dheefe
gudoonshahaba ruux loo gartoo waajibkii gudaya
gobanimiyo soo dhawayn dhabaan gacan ku siiyaaye
markii gobalo badhisaabyadii badalka lagu geeyay
ana gaarba waxa aan u helay garab yaroow jeeni
aan soo gabagabeeyoon araar soo gunaanado,e
waxba gabaygu yuu ila gudbine waxaan ku soo gooyay
gal dad liqaba ruuxii daf yidhi wuu gundhigayaaye
ninkii ragina waa ka gaabsadaa doodu garanayne
hadii gabay jawaabiyo wuxuun laysku gaynlaaba
oo guraangur isku keeni layd kuray guluubaysan
gaado wayni shaaglay barbara rag uga giigeene
ana maanso guunbaan ku ahay shaacir gaamuraye
gudgudaha habeenkii da,ee gudaya lay moodye
waxan laabta iga guuxayaa waa badii gabaye
afar gaban la tookhiyo gurbood waan digayaaye
goob iyo fardaar iyo jaraan gooni dagayaaye
godkaan dhigayo qamaamur taqaan garate hawraare
guba loo baaqiyo fidnada gacal sokeeyaaye
suugaan aan gorfeeyiyo taxane hoga tus goorteeda
halhays gobi ku haasawdobaan gobaladii gayne
guuleed iyo sidii good shaxdii aadan guud marayay
guubaabiyo ujeedadu bulshooy waa ay gun dheerayde
garna waxay ku eekayd maskii madax ka goyntiiye
midse gacanta laga reebayoo herar golaa keentay
oo dadkeenu guur guuriyay odayga gaadhsiine
ana waa u gudbinayaa midhkaa gacalayaaloowe
biyo gororay meeshii galshay soo gun dhigayaane
gorayaduna haadbay noqotay hubanti goorteede
nin durbaan garaacdiyo naxwuhu waaba kala gaare
qaarbaa hadalka gawlgawliyoo guulaheen u dhaline
anigoon giriif odhan murtidaan soo giraangiriyay
waxaan uga gol leeyahay hadaan idiin garwaaqsiiyo
taariikh la gabay waayii galbaday gabagu weeyaane
war gaysyada war faafshoow adaa dunida gaadhsiine
iga gunta tixdaasoo histari galiya sooyaalka
————————————————————
taariikhda gabaygu soo baxay waa 2013-03-22
magaciisuna waxa la yidhaahdaa
gabaydoo hargaysana tixbay soo gudbinaysaaye
—————————————————————-
bal hadaba erayadan aan yara macneeyo
————————————————————–

colkii wadhafka lagu baacsadee loo guntaday dhagaxa
waxa looga jeedaa colka wadhaf ma lagu dayay hadaba
soomaalida iyo aduunkaba waligeed waa lays riixayay hadaba
hadii aad maqashay 1980 shirkii ladon ee snm ta loogaga
dhawaaqay kii bali gubadle kii burco kii dib u heshiisiinta kii
borama kii gar adag kii daalo ma maqashay kii lafa ruug ka
ka dhacay qiyaastii 1820 ilaa 1830 go,aankiisuna ahaa colka
wadhaf ha lagu dayo laguna guulaystay figrataa kaartata
dhagaxaana waxa keenay madax wayniihii maxamed xaaji
ibraahin cigaal nin awoow ugu toosnaa figrataasina waxay
ahayd guushii ugu horaysay ee aynu gayiga ku dagnay
————————————————————————–
afartayda geesood garida laga garaacaayay
gari ama caroogu wuxuu ahaan jiray wax la afuufo
markuu war dhiilo lehi jiro waxana laga samayn jiray
geesa loda ugaadha iyo wixii la hal maala
—————————————————————-
herar qawdhan goolaftamee faarax goodiyay
faarax iyo qawdhan waxay ahaayeen laba nin oo
qiyaastii markay taariikhdu ahayd 1860 ilaa1870
hargaysa oo ceelal laga cabo ahaydd waagaa iyo
hareereheeda is dhex baacsan jiray iyaga oo laba
ciidan oo fartoolaya kala wadan jiray iskuna gabyijiray
maadaba labaduba abwaano ahaayeen bal hadaba laga
gayoonmaayo gabayadoodiiya bal aan idiin xusuusiyo tuducyo
ka mida qawdhan oo faarax gabay ku weeraraya wuxuu yidhi
————————————————————————
ma jameecada laga guntaday waa jihaad dhaba ahe
sange joogle heensaha miyaa jiidhi lagu taagay
durba joofle xoog badan miyaa faras la jiidhsiiyay
jaro laguma faanee ayaxa jeex ma leekaanay
jaraha dhiga jirkuba waa ridaa jalow kaliileede
————————————————————
faarax nuur oo qawdhan u jawaabaya gashaankana u
daruuraya weerakaa qawdhan wuxuu yidhi labadii
mujaahidba ale ha u naxariistee
————————————————————–
anba waa u jawaab celin ninkay jibo ka yeelaane
walaahaan jaleelada la dhici jibinta waawayne
hadba juhulo ii soo baxdaa jarka iska soo xoorye
jifka bari hadaad noogu timi jiir ma kugu taagnay
idinkoo jiraban xoolihii ma idin jiidhsiinay
bal jeeskiina eeg mee ragaad jalanqo moodaysay
—————————————————————–
hargagaysana maygaag tu yidhi lay diwaan galiye
waxa looga jeeda hargaysi waxay soo martay sadex
magac oo kala ah herar hargagays iyo hargaysa oo
maanta la yidhaahdo markii gumaystuhu inoo yimina
wuxuu diwaan galiyay tii maygaag u sheegay hargagays
markii dabana dadka ayaa magicii ku yara atkaaday
oo hargaysa ula baxay maygaag ilka dheere naanaysta
ninka magaca hargagays bixiyay baa la odhan jiray
ha ogaado nin moogi
————————————————————
buuro naas gabdheed loo hadana golis la moodaayo
waa calaamad ii gaara ahoo gooni la dhigaye
waa buuraha hablo naasood
——————————————————————
geed xaabeeya barigaygan iyo gacan libaaxdaydan
geed xaabeeyi wuxu ku ooli jiray hargaysa iyo haleeya
dhexdooda
—————————————————————–
guudga sareba waakaa ka baxay qadawgu geedaa qadowgu
waa geedka dhirta ku dul baxa dhilow yahan laac qoor
case intaba waa la yidhaahdaa geedgaa
——————————————————————-
markii gobalo badhisaabyadii badalka lagu geeyay
ana gaarba waxa aan u helay garab yaroow jeeni
waxa looga jeeda badhisaabka laga soo badalay gobolka
sool oo magaciisa lagu naanayso jeeni yare
—————————————————————-
gaado wayni shaaglay barbara rag uga giigeene
ana maanso guunbaan ku ahay shaacir gaamuraye
shaagle wuxuu ku noolaan jiraybaa la yidhi magalada barbara
waanu xoog waynaa dadkana waa laynjiray waana laga
baqan jiraybaa la yidhi waa ninkay ku baxday maahmaahda
tidhaahda shaagle laga baqay hargaysana gabay xoog ayay
sheeganaysaa ileen iyadaa gabyaysee eesh qiyaasak
———————————————————————-
magaceedu waa gobe
moogaha aqoonoow
hugeed qaar maliiqoow
ha marmarin waxaan qaban
sotoh iyo marway too
maanso way xishootaa
haybad iyo mastuurnaan
maamus iyo edaab iyo
maluukbay ku socotaa
midabyada xariirtaa
munadii dhar ugu wacan
maryaheedu waa qurux
maltah iyo humaagbuu
isagoon mildhaabayn
abwaankuna wax mariyaa
sarbeebtay ku mutantee
maahmaahyadeediyo
hal muceedyadeedaba
murux lagama yeelee
ha dhigine mudh iyo gacan
maydhaami weeyaan
——————————
sharaxaada weedhuu
shuruudbay ku xidhantee
shanjirkana ha fahansiin

faaliye18@hotmail.com
ismaaciil faaliye facebook.com
ismaaciil ibraahin yare
abwaan faaliye
sweden scww

Comments are closed