|

Gabar Soomaaliyeed oo ka mid Noqotay Ardey ku Guuleysatay Tartan Qoraal

Augusta June 25,2013(SDN)-Gabar Soomaaliyeed oo wax ka barata Dugsiyada sare ee magaalada Lewiston ee Gobolka Maine ee cariga Mareykanka ayaa ka mid noqotay  sadex ardey oo ku guulestay tartan qoraal ah oo u dhexeeyay ardeyda Gobolka oo idil.

Fadumo Muse ayaa la rumeysan yahay in ay tahay ruuxii u horeeyay ee ku guuleysta abaal marintan ee luuqada Englishku aaney aheyn afkeedii Hooyo.

Qoraalada ay diyaariyeen ardeydan sadexda ah ayaa laga soo xulay 137 qoraal ay sameeyeen ardey wax ka kala barata 40 Dugsi oo gobolka Maine kuyaal.

“Guusha Fadumo Muuse waa tusaale kale oo muujinaya in Hawl badan iyo Guulaba ay gaarayaan reer Lewiston,markaad ka fekerto in English ay tahay luuqadeeda labaadna waa layaab”sidaa waxa yiri maareyaha dugsiyada waxbarasho ee Lewiston Bill Webster.

Qoraalka Faadumo muuse ay tartanka uga qeybgashay ayaa ciwaankiisu ahaa “The Land of My Memories.” ama Xusuusta Dhulkeyga.

Qoraalka ayaa ka waramaya dal dadkiisu isku Diin,Luuqad iyo Midaba yahay iyo sida Rasaastu Roobka oo kale uga da’ado.

Sidoo kale Faadumo ayaa si qiiro leh uga warantay waxyaabihii ay kala kulantay Lewiston,iyo isku deygeedii in ay ka mid noqoto dadka halkaa ku nool.

“Waaxaan ka tegay dhaqankeygii,waxaan ka taxaderi jiray waxaan ku hadlayo,waxaan ka fiirsan jiray tilaabooyinkii aan qaadi jiray,waxaan qaatay aqoonsi kale oo aan islahaa wuxuu kaa caawin doona in aan bulshada ku biiro”ayay qortay Faadumo Muuse.

“Maalin maalmaha ka mid ah ayaan la kulmay haweeney da’ aheyd oo i weydiisay in aan Soomaali ahay waxaana ugu jawaabay f course I am a Somali,ka dibna waxaan isgartay in aan English ku jawaabay. Dhacdadaas ayaa iga caawisay in aan garwaaqsado in aan loo baahneyn in aan dhaqankeyga ka tago,maalintii xigtayna waxaan Dugsiga ku tagay Dhar asturan,waxaana xirtay Xijaabkii ugu dheeraa,cidi iilama ay dhaqmin si ka duwan sidii hore,waxaanan ogaaday in aanan u baahneyn in aan dhaqankeyga ka tago”ayay faadumo Muuse.

Lewiston ayaa dhegaha Soomaalida iyo Caalamkaba ay ku badneyd ka dib kolkii toban sanadood ka hor ay halkaa u hayaameen qoysas Soomaali ah oo ka kala tegay dhawr magaalo oo Mareykanka ah.

Lewiston oo hore aaney ugu nooleyn Madow faro badan ayaa qaar ka mida dadkii magaaladaasi ku noolaa ay diidmo toos ah kala hor yimaadeen Soomaalidii halkaa tagatay.

Waxaaney xaaladu cirka isku sii shareertay ka dib kolkii Duqii magaalada Lewiston uu Soomaalida fariin ugu diray in aanay magaaladiisa u soo guurin.

SDN-Augusta
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed