Gabalkii Khaatumo Oo Sii Dhacaya iyo Garaadkii Kali ahaa ee Ku Hadhsanaa Oo Garoowe isku Dhiibay
Garowe:July,27,2014(SDN/QJ)-Kooxda Dhuumaalaysiga ku jirta ee Khaatumo ayaa dhirbaaxo xoogan oo kale la kulantay, kadib markii uu Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo muddo ku dhex jirey oo shalay u goostay dhinaca Maamulka Puntland.
Garaadka ayaa watay Wafti ballaadhan oo madax-dhaqameed u badan, waxana uu soo gebogebeeyey muddo laba sano ahayd oo uu garaacayey Durbaakanka Dinniiqa ah ee Khaatumo.
Garaadka iyo Wefdigii uu hogaaminayay ayaa Madaxtooyadda loo dhaa-dhiciyay waxayna halkaas kula kulmeen Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo Madaxweyne-ku-xigeenka C/laahi Camey.
Dedaalka Garaadka iyo Waftiga la socda lagu soo celiyey ayaa wax aka qayb ah Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland, kaas oo ku Hawllan Baabi’inta iyo cidhibtirka baaqiga ka sii Hadhsan kooxda Khaatumo, iyadoo garaadka loo ballan qaaday in la saxayo saluuga uu ka tirsaday Maamulka Garowe oo uu waligiiba ka tirsanaan jirey.
Tallaabadan ayaa ugu dambeeyey tallaabooyin kala dambeeyey oo ku dhacayey Kooxdaas nabadda Diiday, waxana taas ka horreeyey Tallaabo ciidanka qaranka Somaliland ay Maalin ka hor ku soo qabteen Gaadhigii gaarka u ahaa Xildhibaan Cali Khaliif oo oo shaqadii Mudane-nimo ka doortay Dagaal iyo dhiig dad muslim ah oo la daadiyo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com