Gabadha Ugu Buuran Dunida Oo Dhakhaatiirtu Ay Sheegeen In Sariirtii Qaliinku Qaadi Weyday !
Qahira 21. February 2017 (SDN/QJ):-Gabadha ugu buuran Dunida oo la yidhaa Imaan Axmed oo u dhalatay Dalka Masar oo miisaankeedu yahay 495Kg, ayaa loo qaaday Dalka Hindiya si loogu soo daweeyo, balse dadkii qaadayay ayaa kala kulmey dhibaato badan, waxaana la sheegay in Diyaarad nooca Xamuulka ah lagu qaaday.
Iimaan oo hadda ku sugan Masar ayaa waxay dhakhaatiirta gacanta ku hayaa sheegeen in sariirtii qaliinka ee lagu jiifin lahaa ay qaadi weyday, sidaa awgeedna ay dhakhaatiirtu go’aan ku gaadheen in miisaankeeda hoos loo dhigo, waxaanay dhakhaatiirtu ku cadeeyeen warbixin ay siiyeen wargeyska The Daily Beast ee ka soo baxa Dalka Maraykanka ayaa lagu cadeeyey in markii loo baahday in laga wareejiyo qolkii ay ku jirtay laga saari kari waayay isla markaana la dumiyay gidaarkii qolkaasi, sidoo kale waxay sheegeen in miisaanka Imaan uu hoos u dhacay intii ay ku jirtay dhakhtarkaasi oo uu maalin kasta uu ku dhacayey 6Kg, guud ahaana maalmihii ay ku sugneyd dhakhtarkaasi oo ahayd 5 maalmood ayaa waxa ka dhacay 30Kg, waxaana la filayaa in miisaan intaa ka badani uu ka dhici doono si loo fuliyo qaliinka.