Gabadh Yar Oo 7-Jir Ah Oo Codsi Shaqo U Diratay Shirkadda Google Iyo Jawaab Lama Filaan Ah Oo Ay Ka Heshay
London 27. February 2017 (SDN/QJ):- Hammiga iyo doonista shakhsinimo ee qofku kuma xidhna da’da, midabka iyo jinsiga qofka balse waa mid ku lammaan hanka qofku leeyahay da’ kasta ha joogee waxaana toddobaadkan dunida si weyn looga hadal hayaa gabadh yar oo 7-jir ah oo muujisay hankeeda si lama filaan ahna guul weyn uga gaadhay kadib markii ay gabadhaasi codsi shaqo u diratay mid ka mid ah shirkadaha adduunka ugu waaweyn wakhtigan oo ah shirkadda mishiinka macluumaadka raadiya ee Google.
Gabardh 7 sanno jir ah oo lagu magacaabo Chloe Bridgewater oo ku nool magaalada Hereford ee dalweynaha Boqortooyada Ingiriiska ayaa waxay soo jiidatay dareenka caalamka ka dib markii ay shaqo ka dalbatay shirkadda caanka ah ee Google, iyada oo waliba arrinka xiisaha lihi uu yahay in ay codsigan iyadu gacanteeda ku qoratay oo aanay Computer iyo wax la mid ah u adeegsan ee ay qalinkeeda iyo warqaddeeda miciinsatay.
Chloe Bridgewater ayaa falkan ku kacday Kadib markii ay aragtay xafiisyada qurxoon ee shirkaddan Google iyo lacagaha waallida ah ee ay shaqaalaheeda siiso. Gabadhan 7 sanno jirka ahi waxa ay go’aansatay inay warqad codsi shaqo ah u dirto guddoomiyaha Google iyadoo weydiisaneysa haddii ay shaqo siin karaan, sida uu Andy Bridgewater ku qoray akoonkiisa LinkedIn, kaasi oo ah aabaha dhalay gabadhan yar.
Bridgewater ayaa xitaa wuxuu warqaddii rasmiga aheyd ee ay soo qortay gabadhaani u gudbiyey hillinka CNBC, waxaana warqaddaas loogu talogalay Google Boss.
Arrinka farxadda lihi waxa uu noqday in Guddoomiyaha shirkadda Google uu isna warqad uu gacanta ku soo qoray ugu soo jawaab celiyey inantii yarayd isaga oo u sheegay in ay aqbaleen codsigeeda diyaarna u yihiin in ay shaqaalaysiiyaan. Google waxa ay gabadhan yar u ballan qaaday in ay deeq waxbarasho ka bixiyeen illaa jaamacaddeeda marka ay soo dhammaysatana ay shaqaalaysiin doonaan oo boos sare u magacaabi doonaan.