|

Gabadh uu dhalay Barack Obama oo shaqo ka heshay Maqaaxi Kalluunka lagu Iibiyo

Washington 07,Aug 2016 (SDN/QJ):- Gabadh uu dhalay madaxwaynaha dalka Maraykanka oo mageceedu yahay Sasha Obama,  ayaa la arkay ayadoo kabalyeeri ama adeege ka ahmid kamid ah maqaaxiyaha lagu iibiyo cuntada badda.

Sida ay qortay warbaahinta, Sasha oo 15 sano jir ah ayaa waxay heshay shaqo ay galin shaqaynayso oo ay ka heshay goob ganacsi oo cuntada badda laga helo oo lagu magacaabo Vineyard oo ku taalla Massachusetts.

Sasha xataa mageceeda oo buuxa Natasha way isticmaalaysay markay ka adeegaysay maqaaxida.

Gabadha Obama dhalay waxaa waardiye ka hayay ciidan aad u tabobaran oo ah kuwa dharka cas.

Magaalada ay ku taallo maqaaxida ayaa waxaa aad u jecel qoyska Obama,waxayna waqtiga firaaqada ah u aadaan mijo baxsi.

Sawirada waxaa lagu daawaday gabadha yar ee Obama oo xiran dhar buluug ah oo adeegaysa.

Qof la shaqaynayay ayaa sheegay inay ayadu qaabilsanayd qaybta hoose ee maqaaxida, balse waxay la yaabeen dadku rag waawayn oo gabadha aan ka fogayn, balse markii danbe ayaa la ogaaday.

 

Gabadha ka wayn Sasha ee Malia ayaa qudheedu laba shaqo oo gelin ah ka helay meel filimaanta lagu gado.

sashasasha-2sasha3

Comments are closed