Gabadh U Dhalatay Maraykanka Oo Muddo Kooban Socod Ku Soo Martay Dalalka Aduunka !
Washington 21. February 2017 (SDN/QJ):-Gabadh u dhalatay Maraykanka oo la yidhaa Cassis De Bicol, ayaa socod ku soo martay Dalalka Dunida oo dhan muddo 18 bilood ah, gabadhan oo da’deedu tahay 27jir ayaa waxay socdaalkan ku isticmaashay lacag dhan 10kun oo Dollar oo ay iyadu lahayd, laakiin markii danbe waxay caawimooyin ka heshay dadkii ka helay fikradeeda oo ugu deeqay lacago iyaga ku dhiiri galinayay socdaalkan, sidaana waxay ku soo wada martay Dunida, sidaa awgeedna waxa la sheegay in socdaalkkeeda ay ku baxday lacag dhan 198,000 oo Dollar.
Sida lagu soo bandhigay Wargeyska Daily Mail oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay, waxa kale oo warbixintan lagu sheegay in socodkeeda ay ka bilawday waddamada awoodooda dhaqaale ay aadka u sarayso ugu danbayna ay ku soo gabagabaysay waddamad Falastiin, Taiwan iyo Kosovo, waxaana xusid mudan inay inta ugu badan safaradeeda u kala raacaysay Diyaarad.
Gabadhan ayaa sheegtay in ay gaadhay guul aad u weyn oo ku qottonta riyo ay waligeed ku hammiyi jirtay.
Cassis De Bicol, waxay ballan qaaday inay warbixin aad u faahfaahsan ku soo bandhigi doonto waxyaabihii kala duwanaa ee ay kala soo kulantay waddamada adduunka.