|

Gabadh u Dhalatay Dalka Jarmalka Oo Xalay Lagu Dilay Mombasa

Mombasa:July,25,2014(SDN/QJ)-Haweenay u dhalatay Dalka Jarmalka ayaa Xalay Fiidkii hore lagu khaarajiyey Magaalada Dalxiiska ku caanka ah ee Mombasa, sida ay ciidama ammaanku xaqiijiyeen.

???????????????????????????????Haweeneydan, ayaa waxay ka mid ahayd dalxiise-yaasha ku sugan Magaalada Mombasa, waxaana la dilay, iyadoo la socotay nin u dhashay dalka Uganda, oo ay shalay ka wada yimaadeen Magaalada Nairobi.

Xilli ay marayeen wadada Kuze, ayaa waxaa rasaas la dhacay laba nin oo bistoolado watay, iyadoo haweeneyda Jarmalka u dhalatay ay u geeriyootay rasaastii lagu dhuftay, halka ninka Uganda u dhashay uu isna ku dhaawacmay.

Madaxa Dembi Baadhista ee Magaalada Mombasa Henry Ondiek oo Warbaahinta la hadlay, ayaa waxa uu sheegay inay soconayaan baadhitaano ka dhan ah labadii nin ee fal-dembiyeedkan geystay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka Frank-Walter Steinmeier, ayaa wuxuu sheegay inay maqleen geerida haweeneyda u dhalatay Jarmalka, balse ay soconayaan baadhitaano dheeraad ahi.

Weerarada, ayaa waxay muddooyinkan dambe ku soo badanayeen Gobolka Xeebta ee dalka Kenya, waxana hore magaalada Mombasa uga dhacay dilal dhowr ah oo loo geystay dad ajaanib ah iyo kuwo kale oo Kenya u dhashay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed