Gabadh Soomaaliyeed Oo Maraykanka Laba Qof Dhaawacyo Ku Gaadhsiisay
Minnesota:Dec,28,2014(SDN/QJ)-Gabadh, ayaa Maktabad ku taalla Magaalada Minnesota ku dhaawacday Laba qof oo Maraykan ah, iyadoo u adeegsatay Middi.
Haweenaydan oo 35-jir ah, ayaa magaceeda lagu sheegay Samiira Cabdalla Saalim, waxana Dadka ay dhaawacyada u geysatay ay ku sugnaayeen Goob maktabad ah oo wax lagu akhristo.
Maktabadda uu falkan ka dhacay oo lagu magacaabo Oxboro Library ayaa ah xarun lagu akhristo Buugaagta oo ku dhow guriga ay deganeyd Samiira Cabdalla, waxayna ciidamada Boolisku ka warbixiyeen haweeneyda Soomaaliyeed ee iyadu ka dambeysay falkaasi.
Wali waxa socda Baadhitaanno, waxana aan caddayn sababta keenay inay Dadkan dhaawacyada gaadhsiiso, maadaama ay ku sugnaayeen Goob bulshada loogu adeego.
Dhaawaca labadan qof oo maraykan ah, ayaa la sheegay inaanay sidaas usii weynayn, waxana haatan lagu dabiibayaa Cisbitaalka.
SDN/QJ