Gabadh Sawir-qaade Reer Somaliland ah oo Ka Sheekaysay Meelaha ugu Quruxda Badan Somaliland+Waxyaabahii ay Ka Baratay Xirfadda Sawir-qaadidda DAAWO
Hargaysa 21. June 2017 (SDN/QJ):- Gabadh sawir-qaade reer Somaliland ah oo magaceeda la yidhaahdo Huda Cali Banfas, ayaa si faahfaahsan u soo bandhigtay deegaanada ugu quruxda badan Somaliland oo ay intooda badan ay socdaalo ku tagtay sida oo kale na ay ka soo qaaday sawiro aad u qurux badan, waxaana ay si cajiiba uga sheekaysay meelaha ugu quruxda badan Somaliland iyada oo carabka ku adkeysay in ay Somaliland tahay meelaha ugu qanisan ugu na quruxda badan aduunka balse inta badna aanay jirin cid muujisa quruxda iyo bilicda deegaanada Somaliland.