|

Gabadh Maraykanka Madow ah oo Xabsi ku Mutaysatay Calanka Federaalka oo ay Dhulka Dhigtay

Washington June 29, 2015 (SDN/QJ) –Ciidanka ammaanka dalka Maraykanka, ayaa xabsiga u taxaabay haweenay madaw ah oo u badheedhay inay calanka Federaalka ee dalkaas dhulka soo dhigto, kana dejiyo birta uu ka lulanayey, kadib markii dadka madawga ah ee ku nool Gobolka South Calorina ay ka cawdeen caddaallad-darrooyin lagu hayo.

soo dejiGabadh lagu magacaabo Bree Newsome, ayaa fuushay bir dheer oo uu ka lulanayey calanka Federaalka Maraykanka, iyadoo furtay, una soo dejisay dhulka, taasoo muujinaysa in dadweynaha madawga ah ee ku nool Gobolka South Calorina aanay ku faraxsanayn nidaamka federaalka ee United States of America (USA), gobolkaasoo ah goobta toddobaadkii hore nin cunsuri caddaan ah ku toogtay sagaal qof oo madow ah, kuna sugnaa kiniisad ay leeyihiin dadka Afrikaan-Ameerikaanka loo yaqaan ee aan asalkoodu ka soo jeedin dalka Maraykanka.

Qoomiyadaha madawga ah ee Maraykanka, ayaa muddo dheer ka cabanayey dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin caddaalad-darro, sinnaan la’aan iyo hoos-u-dhac dhinaca nolosha ah, iyadoo hadda la dareemayo in degaanno dadka madaw ku noolyihiin ay doonayaan inay ka go’aan dalka Maraykanka, kana hoos baxaan nidaamka federaalka, taasoo muujinaysa saansaan halgan gobonnimo doon ah oo ka bilaabmaya gudaha waddanka Maraykanka.

Washington SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed