|

Gabadh Loo Aqoonsaday inay Tahay Maal-qabeenka Ugu Da’da Yar Adduunka Magaceeda Iyo Hantida ay leedahay La Shaaciyey

Hargaysa, 28 July, 2016-(SDN/QJ):– Gabadha magaceedu yahay Alexandra Anderson, ayaa noqotay Gabadha ugu da’da yar ee ugu maalqabeensan Haweenka Adduunka, kadib markii la  sheegay in hantideedu ay gaadhay 1.2 Milyaar oo dollar iyada oo aan  dhaafin 20 jir .

 

Wealthy daughter Alexandra AndersonWaana markii ugu horaysay ee Alexandara ay ka mid noqoto maal-qabaneeda Adduunka, waxayna kaydisay sida ay war bixin laga soo saaray sheegtay inay hatidan ururusatay ama kaydisay kadib markii aabaheed kala baxay Hanti uu ku lahaa shirkadda ugu wayn dhinaca maalgelinta ee ku taala dalka Norway ee loo yaqaan Frad sanadkii 2007-dii.

 

waxaana la sheegay in aabaheed uu ku dhaxlay maalkan aabihii oo noqonayaa Alexandara awoowgeed kaaso ka ganacsan jiray sigaarka islamarkana uu ahaa ninka ugu soo saarka badan sigaarka dalka Norway laga soo saaro.

Comments are closed