|

Gabadh Laga Soo Furtay Budhcad-badeed Somaaliyeed oo Laba Sano Afduub ay Ku Haysteen oo Ka Warrantay Siday ula Dhaqmi Jireen

Cadaado 01. November 2016 (SDN/QJ):- Masuuliyiinta Maamul-gobolleedka Soommaaliyeed ee Galmudug, ayaa shalay Warbaahinta ugu soo bandhigtay dagmada Cadaado ee xarunta Maamulkaas, Gabadh Ajaanib ah oo Ciidammo ka tirsan kuwa Galmudug ku soo furteen howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

 

?

Haweeneydaas ayaa muddo labo sano ah u afduubneyd Koox Budhcadbadeed ah oo ku doonayay in madax-furasho laga siiyo. Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa Gabadhan oo u dhalatay dalka Kenya laguna magacaabo Loise  Weru, ku soo dhaweeyay magaalada Cadaado, waxaana laga dareemayay ama ka muuqday Jidhkeeda daal iyo daruuf adag oo ay ka dhaxashay muddadii ay afduubneyd.

Loise  Weru, ayaa sheegtay in Kooxda ay u qafaalneed ay ula dhaqmayeen si arxan-darro ah, oo xitaa aanay helin biyo ay cabto xilliyada qaar, balse ay hadda ku faraxsan tahay in laga soo badbaadiyay gacanta kooxdii muddadda ay u afduubneyd, waxaanay tidhi; “Dadka aan u afduubnaa waxaa ay ahaayeen kuwo naxariis-darran, waxaa xalay (habeen-hore) isoo badbaadiyay Ciidammada Galmudug, waxaan hadda la joogaa Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa sheegay inay dedaal dheeraad ah ku bixiyeen sidii loo soo furan lahaa Gabadhan iyo Laheystayaal kale oo weli ku hadhsan gacanta Budhcad-badeedda, waxaanu u mahad-celiyey Ciidammada hawlgalkaas fuliyey.

Horraantii sannadkan, ayaa hawlgal noocan ah oo kale oo ay Ciidammada Maamulka Galmudug sameeyeen, waxaa lagu soo badbaadiyey Nin Kiiniyaan ahaa oo Gabadhan lala qafashay.

Comments are closed