|

Gabadh Ka Tirsanayd Shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Magaalada Muqdisho Lagu Toogtay.

Muqdisho,15Aug,2015(QJ/SDN)-Dabley aan heybtooda la garanin ayaa waxa ay maanta dil u geysteen gabadh dhalinyaro ah oo saaka u socotey goobta ay ka shaqeyso oo ah baarlamaanka federaalka.

Dableydani hubeysan waxa ay ka baxsadeen goobtii uu dilku ka dhacay, gabadhani dhallinyarada ah waxa lagu magacaabi jirey Raxma Maxamed Cabdulqaadir iyadoo la sheegay in aan la garaneynin sababta dableydu u beegsatay gabadhani ka shaqeynaysay golaha shacabka.

gabadha la dilay

Xoogagga federaalka ayaa sida caadada ah soo gaadhay goobta dilku ka dhacay waxaana ay qaadeen gabadhii meydkeeda.

Raxma, waxa ay ka mid aheyd shaqaalaha Baarlamaanka kuwa ugu fir fircoon maamulka degmada Wadajir weli faah-faahin kama aysan bixin dilkaan loo geystay haweenaydaan saaka lagu dilay Degmadaasi.

Dilkan ayaa ku soo beegmaya xilli mooshin laga keenay madaxweynaha federaalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo uu jiro isqab qabsi ku saabsan mooshinka.

Comments are closed