Gabadh ay Adoonsadeen kadibna Iibiyeen Daacish oo heshay Abaal marin iyo lacag badan (Daawo Sawirada)
Hargaysa 13.October 2016 (SDN/QJ):-Gabar u dhalatay dalka Ciraaq kana soo jeeda dadka Yaziidiyiinta ay horey u qafasaheen Kooxda Daacish mudana qaab adoonsi ah u heesteen ayaa ku guuleesatay lacag badan oo abaal marin ahaan loo siiyay.
Gabadhan oo lagu magcaabo Nadia Murad ayaa gacanta u gashay Kooxda Islaamiyiinta Daacish , waxaana gabadhan kooxdaasi gacantooda ay ku jirtay mudo sadex bolood ah, waxa ayna qeyb ka haeed 5,000 dumar ah oo kooxda Daacish ay qafaasheen.
Nadia Murad ayaa ka heshay abaalmarinta Vaclav Havel ee xuquuqda bini’aadanka Golaha Yurub, waxa ayna gabdhan dhibaatada xoogan soo martay ku guuleesatay lacag abaal marin ah oo gaareysa 6,7000 kun oo Dollar oo la socotay abaalmarinta.
Kooxda Daacish ayaa qafaalatay Nadia Murad iyada oo 23-sano jir ah, waxaana la sheegay in Daacish gabadhan aduunsadeen ayna kufsadeen kahor inta aysan iibin, waxa ayna gabdhan ugu dambeyn gacanta kooxdaasi ka baxsatay bishii November 2014.
Nadia waxa ay sheegtay in ay heesteen kooxda Daacish in dhoor jeer la iibiyay si xuna loola dhaqmay iyada iyo gabdho kale oo kasoo jeeda Yaziidiga ay qafasaheen Kooxda Daacish, waxa ayna gabadhan hada u doodaa xaquuqda dadka Yaziidiyiinta ah.
Miss Murad, oo ay Qaramada Midoobay u magacawday safiir bishii September, ayaa ku baaqday in la sameeyo maxkamad caalami ah oo lagu qaado danbiyada ay sameeyaan kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Ciraqa iyo Siiriya.
Abaal marintan la siiyay gabdhan kasoo baxsatay Kooxda Daacish ayaa la gudoonsiiyaa dadka qabta shaqooyinka wanaagsan ee dhinaca xaquuqda aadanaha , waxaana abaalmaritan la socota lacag dhan 67,000 kun oo dollar.