|

Gabadh aad u Yar oo Shalay ka Yaabisay Madaxweynaha Turkiga ee Ciidamadu rabeen inay inqilaabaan

Istanbul 17.July 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne Erdogan oo Shalay dhex maraya Istanbuul ayaa arkay gabadh yar oo ka mid ah dadkii mudaharaadayey, si deg deg ah ayuu u amray in gaadhiga la joojiyo.

ordugan iyo Yaabkiii inanta yar

PHOTO: Madaxweyne Erdogan oo Farta ku Fiiqaya Gabadhii Yarayd oo sii Jeeda

Gabadhii ayuu weydiiyey sababta ay Iskuulkii u aadi weyday oo u soo banaanbaxday. “Qaranimadayadii ayaa la soo weeraray” Ayey ugu jawaabtay.

Wuxuu ka codsaday inay soo fuusho gaadhigiisa si uu xaafadoodii u geeyo maadaama ay waalidkeed kala lumeen “Kuma raaci karo waayo hawshii aan u soo baxay weli kama gun gaadhin” ayey ku tidhi.

Mid ka mid ah ilaaladiisa ayuu amray inuu ku haro gabadha isla markaana uu qasriga Madaxtooyada ugu keeni iyada iyo qoyskeeda marka ay ka guul gaadhto qadiyadeeda.

Wakaalada Wararka Turkiga oo soo xiganaysa afhayeenka Madaxweynaha ayaa qortay in Erdogan go’aansaday inuu gabadhaas ku daro dadka uu siin doono biladaha.

Comments are closed