|

Gaas iyo Cadde Muuse oo lala Xidhiidhiyay Mushkiladihii soo foodsaaray Puntland

Garowe 05.Aug (SDN) Maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha magaalada Bossaso Axmad Aadan Gaas oo howlo shaqo u jooga dalka Norwey ayaa ka hadlay arimo badan oo ku aadan joojinta doorashooyinka,mucaaradka diidan horumarka iyo abaabulka DF ugu jirto burburinta Puntland.

Axmad Aadan Gaas oo wareysi dheer siiyay Radio Garowe ayaa ku edeeyay Cadde Muuse iyo Cabdiweli Gaas inay ka danbeyeen joojinta doorashooyinkii Puntland, isagoo u sababeeyay inay xil doon yihiin.

Ka shaqeynta amaanka Puntland iyo horumarkeeda ayuu ugu baaqay maareeyuhu dadweynaha kala duwan ee Puntland.

Axmad Aadan Gaas nidaamka dimoqradiyada oo ay xukuumada Farole deegaanada Puntland ka hirgalisay balse la joojiyay haatan ayuu kuĀ  ku tilmaamay inuu yahay nidaam mudo badan ay shacabka reer Puntland ku taamayeen inay mar qura helaan, islamarkaasina codkooda ku doortaan siyaasiga u qalma xillka madaxtinimada Puntland.

Hadalkii Madaxweynaha Puntland ee uu jeedshay Aug, 2013 ayuu Axmed sheegay in Cadde Muuse si hufan loo sheegat inuu ka danbeeyay xaaladihii ka dhacay Qardho bishii July, 2013.

”Anagu waxaanu la soconaa shirar badan oo laga sameeyay wadanka dibasiisa oo ay ka mid tahay Imiraadka, Uganda iyo dalka gudihiisa dhamaan shirarkaasi waxay ahaayeen kuwo lagu curyaaminayo siyaasada Puntland, waxana hormuud ka ah DF ee Muqdisho” ayuu yiri.

Axmed Gaas ayaa ku dhaliilay DF inay wado dagaal xoogan oo lagu damacsanyahay in lagu burburiyo Puntland ,iyadoona hormuud uu ka yahay Xasan Shiikh Maxamuud.

”Dhaqaale ayay ku bixisaa DF Somalia inay burburiso Puntland,waxana jira cadeymo muujinaya” ayuu yiri.

Cadde Muuse oo dhowaan la hadlay warbaahinta Somalida ayaa sheegay inay dhowaan u burbureyso Puntland Gobolo iyo degmooyin, isagoona ka soo horjeestay in xiriirka loo jaro DF Somalia taasi oo abuurtay shaki ah in wadashaqayni ka dhaxeyso labada dhinac.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed