Gaalkacyo: Koox Dablay ah oo toogasho ku dilay Suxufi
Gaalkacyo 05, March 2012 (Qurbejoog.com)- Koox dablay ah ayaa toogasho ku dilay weriye Cali Axmed Cabdi oo ka tirsanaa idaacad ku taala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Weriyahan oo xalay la dilay, waxa uu noqonayaa suxufigii 30aad ee tan iyo 2007 lagu dilo Soomaaliya oo ka mid noqotay meelaha ugu daran ee Suxufiyiintu ka hawlgalaan.
Sida uu sheegay weriye Nuux Muuse Birjeeb oo ay saaxiib ahaayeen suxufiga la dilay, marxuumka waxa madaxa ka toogtay koox dablay ah xilli uu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaala Waqooyiga magaalada kala-qaybsan ee Gaalkacyo. “Wuxuu ku sii socday gurigiisa markii fiidnimadii xalay rag hubaysani joojiyeen, ka hor intii aanu madaxa dhawr jeer ka toogan,” ayuu yidhi Nuux Muuse Birjeeb oo u waramay wakaalada wararka ee AFP.
Sannadkan bilawga ah, waxa meel dibadda ka ah guryahooda lagu dilay laba suxufi oo ka hawlgalayay gudaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Magaalada Gaalkacyo ee xalay suxufi marxuum Cali Axmed Cabdi lagu dilay, waxay u qaybsan tahay laba qaybood oo ay kala maamulaan maamul-gobolleedyada Puntland iyo Gal-mudug.
Marxuumka la dilay, waxa uu hore uga tirsanaa idaacad gaar loo leeyahay oo ku taala magaalada Gaalkacyo, ka hor intii aanu dhawaan ku biirin mid ka mid shabakadda wararka ee Internet-ka.
Qurbejoog.com, Gaalkacyo