|

Gaalkacayo: Xaalada Cisbitaalka Guud ee Magaaladaas oo laga dayriyay Iyo Agaasimaha Cisbitaalkaas oo ka hadlay {DHAGAYSO}

Gaalkacayo 02.July 2014 (SDN/QJ)- Mamulka Isbitaalka guud ee magalada Gaalkacyo ayaa ka dayriyay xaalada isbitaalka ka dib markii agabkii iyo dhaqaalihii lagu shaqaynayay ay gababsi noqdeen.

???????????????????????????????Agaasimaha Isbitaalka Dr.Maxamed Xuseen Aadan oo shir jaraa’id maanta Gaalkacyo ku qabtay ayaa tilmaamay xaalad deg deg ah inuu ku sugan yahay isbitaalka isla markasna ay muhiim tahay in laga qayb qaato sidii loo qalabayn lahaa.

Waxa uu sheegay isbitaalka inay ka howlgalaan dad ku dhow 300 oo qof isla markasna ay ku adag tahay inay howlaha caafimaadka ay sii wadaan maadama ay aad u yar tahay helitaanka daawooyinkii iyo qalabkii bukaanada oo loogu addeegi jiray.

Dr.Maxamed ayaa sheegay isbitaalkan in looga imaan jiray gobalada dalka iyo kuwa ka baxsan balse hadda xaaladu uu ku sugan yahay ay tahay mid aad u adag loogana baahan yahay mamulka Gobalka,kan degmada,wasaradda caafimaadka inay gurmad deg deg ah lasoo gaaraan isbitaalka.

Cabashada adag ee mamulka Isbitaalkan kasoo baxay wali wax jawaab ah kama aysan bixin iyadoona cabasho tan la mid ah ay ka imaanayso isbitaalka Garowe oo dhaqaalihii uu ku shaqayn jiray wasaradda Maaliyaddu aysan wali siin.

Balse marxaladu uu ku sugan yahay kan Gaalkacyo ayaa ah mid ka adag kan Garowe sida uu sheegayo Dr.Maxamed Isbitaalka ayaa laga waayay dunta dadka lagu talo iyo silin gayaashii dadka lagu duri jiray.

”Madaxda Gobalka, degmada iyo shacabka Gaalkacyo,waxan ugu baaqaynaa inaad ka jawaabtan cabashada isbitaalka casaan ayaa noo shidan,waxan idinka codsanayaa waqtigan hadaynan helin gacan deg deg ah isbitaalkeenu waxa uu taagan yahay in albaabada loo xiro” sidaas waxaa yiri Dr.Maxamed.

GUJI HALKAN OO KA DHAGAYSO MOBILKAAGA AGAASIMAHA CISBITAALKA GAALKACAYO
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/AgaasimahaCisbitaalka.mp3″]
Galkacayo SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed