Gaadiidka Dawladda Iyo Shidaalka Lagu Shubo Oo Masuuliyiinta Ku Magacaabani U Isticmaalaan Danahooda Gaarka Ah
Hargeysa 10.April 2016 (SDN/QJ): – Gaadiidka dawladda ay ku xidhan yihiin taariikada Doogada ahi, ayaa noqday qaar loo adeegsado dano gaar ah, iyadoo intooda badanina dayac u yaalliin goobaha geerashyada iyo waliba dariiqyada magaalooyinka dalka dhexdiisa.
Sida lagu helay daba-gal arrintan uu ku sameeyey wariye katirsan wargeyska Hubaal, waxa gebi ahaanba meesha laga saaray ujeeddadii sharciga ahayd ee gaadiidka dawladda, gaar ahaan kuwa siyaasiyiinta iyo xubnaha kale ee xukuumadda u shaqeeyaa adeegsadaan ay ahayd inay u isticmaalaan hantidaas, waxana si xawli ah usoo kordhaya dano gaar ahaaneed oo gaadiidkaas loo adeegsanayo.
Inta badan xubnaha xukuumadda u shaqeeya ee ay gacantooda ku jiraan gaadiidkani, ayaa u famhay baabuurtan qaar ay iyagu iskood u leeyihiin, waxana ay u isticmaalaan dano gaar ahaaneed oo ka baxsan kuwa ay qaranka u hayaan.
Wasiirrada, agaasimayaasha guud, kuwa waaxyaha kala duwan ee Dawladda, ayaa u badan qaar xilliyada ay shaqooyinkooda ay qaranka u hayaan kasoo rawaxaan gaadiidka umadda ee ay masuulka ka yihiin ku wareejiyo ubadkooda, ooryahooda, ehelladooda iyo waliba asxaabtooda, waxana goobaha kala duwan ee dadweynuhu ku kulmaan lagu arkaa gaadhi uu wasiir ama agaasime lahaa oo qof aan isagii ahayni wato, xilli shaqadii uu dawladda u hayeyna dhammaatay.
Habkan qalloocan ee gaadiidka umadda ay ugu takri falayaan xubnaha xilalka kala duwan xukuumadda ka hayaa, ayaa ah mid si muuqada ugu sii badanaya caasimadda Hargeysa, waxana xilliyada habeenkii goobaha waxbarashada iyo meelaha kale ee umaddu ku kulanto lagu arkaa gawaadhi taarikada dawladdu ku xidhan tahay oo ay wataan dhallinyaro aan intooda badani xukuumadda wax shaqo ah u haynin.
Goobaha waaweyn ee laga tukaamaysto iyo meelaha lagu caweeyo ayaa iyagana xilliyada habeenkii iyo gelinka dambe oo dhammaanba shaqaalaha dawladdu aanay umadda wax shaqo ah u haynin lagu arkaa gaadiidkaas oo ku sugan, isla-markaana ay wataan xaasaska iyo ehellada kale ee masuuliyiinta gaadiidkani masuulka ka ah, iyagoo u isticmaalaya danahooda gaarka ah.
Daba-galka hawl-wadeenka katirsan wargeyska Hubaal ku sameeyey dhaqdhaqaaqyada gaadiidka dawladdu sameeyaan, ayaa muujiyey xukuumadda sanad walba uu kharash badani kaga baxo dayactirka gaadiidkaas, iyadoo waxyeellada ugu badan ee gaadhaana ay sababteeda leeyihiin dad aan xukuumadda u shaqaynin oo loo gacan geliyey.
Shidaalka gaadiidkani ku soconayaan ayaa ah kii umaddu lahayd, waxana masuuliyiinta xukuumadda xilalka ka haya ee shidaalkan kusoo qaataan inay dadka ugu shaqaynayaan, balse danaha ehelkooda ayaa ugu badan waxa uu gaadiidkaasi ku baxo.
Dhaqamada kale ee dhawaanahan dadka gaadiidka dawladda gacanta ku hayaa isticmaalaan ayaa waxa ugu badan in qaarkood marka ay gaadiidkaas danahooda u adeegsanayaan ku xidhaan taarikada caddaanka ah ee shacabka si ay meesha uga saaraan tuhun ah inay xoolo dawladeed danahooda u isticmaalayaan.
Wasaaradda hawlaha guud, Gaadiidka iyo gureynta Somaliland oo iyagu arrintan qaranka u qaabilsan ayaan wali wax tallaabo ah qaadin, waxana ay safka hore kaga jirtaa wasaaradaha gaadiidka ay gacanta ku hayaan la arko iyagoo dano gaar ah loo isticmaalayo.
Hore ayey u dhacday in Axmed Cabdi Xaabsade oo mar ahaa wasiirka hawlaha guud, gaadiidka iyo Guryeyntu uu iskugu dayo inuu gaadiidka dawladda xakameeyo, isla-markaana ka yareeyo in dano gaar ah loo adeegsado, balse isku daygaasi ma uu sii cimri dheeraarin, kadib uu xagga xukuumadda ka waayey wax taageero ah.
Wasiirka Hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta ee xilligan Md Cali-marreexaan, ayaa looga baahan yahay inuu curiyo siyaasad cad oo lagaga hortegayo ku-takri-falka gaadiidka umadda ee xubnihii ay igmadeen danahooda u isticmaalayaan, iyadoo ay waajib ku tahay inuu hubiyo, isla-markaana tiro koobo gaadiidka umaddu leedahay oo haatan u muuqda mid sii gelaya gacanta shakhsiyaad naxariistu ku yar tahay.