|

Gaadiid Xambaarsan Saanado Militeri Oo Xalay Hargeysa Ka Gudbay, Afkana Saaray Dhinaca Ethiopia

Hargeysa:Mar,22,2015(SDN/QJ)-Tiro Gaadiid ah oo ay Saaran yihiin Agabka Kontinnarada iyo Qaarka mid ah Gaadiidka Dagaalka,   ayaa Xalay saqdii dhexe  dhexmaray Jidweynaha Magaalada Hargeysa, waxana ay u jihaysnaayeen Dhinaca Dalka Ethiopia.

rarorGaadiidkan oo ay dadweynaha intoodii soo jeedday xalay isha ku hayeen, ayaa waxa ay kasoo jiraacdeen dhinaca Dekedda Berbera, waxana Gaadiidkaasi ay lahaayeen Taarikada Waddanka Ethiopia, iyadoo la arkkayey Shixnadaha Gaadiidka Dagaalka ah ee Gaadiidkaasi sideen oo aan dahaadh lahayn.

Wariyayaal la kulmay Gaadiidkaas ayaa tiradooda ku sheegay ugu yaraan15-gaadhi oo sanka isku haya, waxana ay u muuqdeen qaar culayska ay sidaan dibadda uga soo baxay.

Gadhaawida qaar, ayaa waxay xambaarsanaayeen laba laba Konteenar, halka kuwa kalena ay sideen Gaadiid Ciidan oo ay ku jiraan Baabuurta qafilan ee Dagaalka, kuwaasoo aanay waxba ku dahaadhnayn iyaga (xidhnayn ee toos loo arkayey). Waxaana guuxaha iyo bullaanka socodkooda laga dareemayey hareeraha wadada ay ku safrayeen oo ah Laamiga hor-mara Madaxtooyada.

Ma jiraan ilaa hada Tafaasiil ka soo baxday Xukuumaddaha Somaliland iyo Itoobiya oo ku saabsan cida leh, meesha lagu waday iyo halka laga keenay Saanada Milateri ee sida raashinka looga soo daabuley Magaalada Berbera, isla markaana sida ka muuqatayTooraha Baabuurtii siday loo waday dhanka Itoobiya. Hase-ahaatee arrintan ayaa soo shaac-baxday iyadoo todobaadkanba la hadal hayay in Dekedda Berbera laga soo dejiyey  saanad Milateri oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ee howl-galka nabad ilaalinta u jooga Dalka Soomaaliya. Sida xogo wargeyska Yool helay arrintaasi tibaaxayeen Hubka Amisom kala soo degtay Dekedda Berbera, ayaa qorshuhu yahay in loo gudbiyo dhanka Koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba ahaatee, ilo-wareedyo Diblomaasiyaddeed oo kale ayaa tibaaxay inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u ogolaatay Itoobiya  inay Dekedda Berbera kala soo degto saanadan Milateri, laakiinse wali xukuumaddu afkeeda marna may soo marin.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed