|

Gaadiid ku shaqeeya dhiiga dadka oo lagu wareejiyay Laanta Socdaalka & Jinsiyadaha Somalia SAWIRO

Kismaayo 03. April 2017 (SDN/QJ):- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa maanta magaalada Kismaayo kula wareegay Gawaari loogu talagalay in lagu ilaaliyo xaduudaha dalka.

Gaadiidkan ayaa ah kuwo casri ah oo intooda badan hada laga isticmaalo dalalka Horumaray, waxaana ay gawaaridan ku rakiban qalab casri ah oo sheegaya in la ogaado haddii dad aan soo marin xarumaha laga ilaaliyo Xaduuda ay isku dayaan inay ka gudbaan xaduudaha.

Waxaa ay gawaaridaan sahlayaan in si deg deg ah loo ogaado dadka sharci darada ku gudbaya Xaduuda iyo tirada ay yihiin isla markaana xawaaraha gawaaridaan si dhaqso ah loogu tagi karo.


Hay’adda IOM ayaa ugu deeqday gaadiidkan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya waxaana maanta wixii ka dambeeya meesha ka baxday in si fudud lagu soo galo ama looga baxo xaduudaha dalka Soomaliya oo mudo 26 sano ah dayacnaa sida uu sheegay agaasime Koofi.

Comments are closed