“Gaadiid Iska Daayoo Waxa La Isku Qabsan doonaa Dad Nool, Haddii Kiiskaa La Furo..” Cuqaal ka Tirsan Koonfurta Hargaysa oo Sida Fiinta uga Qayliyey Kiis Maxkamada Sare Yaala
Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Cuqaal iyo Odayaal ka tirsan Beesha Koonfurta Hargeysa, ayaa ka digay Kiis ay sheegeen inuu Maxkamadda Sare ee Somaliland hor-yaallo, kaasoo ay sheegeen inuu ka mid yahay Kiisas dalka ka dhacay wixii ka horreeyey 1994-kii, isla markaana la iska saamaxay, kaasoo ay sheegeen haddii Maxkamaddu furto inay ka dhalan doonto dhibaato xooggan oo saamayn karta dalka iyo dadka Somaliland.
Cuqaashan oo Shir Jaraa’id ku qabtay shalay magaalada Hargeysa, waxay sheegeen inaan loo baahnayn wakhtigan in la isku soo qodo waxyaabo dhac iyo dil-ba isugu jira oo hore u dhacay, la iskana saamay oo nabadgelyada iyo wada noolaanshaha dadka reer Somaliland laga door-biday.
Waxaa ka mid ahaa Cuqaasha Shirkaas Jaraa’id ka hadlay Chief Caaqil Yuusuf Cali Waraabe, waxaanu yidhi; “Halkan waxaannu kaga hadlaynaa arrin aad u muuhim ah oo haddii wax laga qaban waayo mushkilad badan ku keenaysa dalka iyo dadkaba, arrintaasi waxa weeye 1994-kii ka hor wixii dhacay ee Gaadiid la kala dhacay ama dad la kala dilay oo immika aad mooddo in dib loo soo faqay. Waxaannu leenahay arrintaa cidda soo faqaysaa dib ha uga noqoto.”
“Guddoomiyaha Maxkamadda Sarena waxaannu leenahay Guddoomiye arrintaasi waa inaad xidhaa oo aan mar dambe la furin, sababta oo ah? Waxay nagu keenaysaa mushkilad badan, Gaadiid iska daayoo waxa la isu qabsan doonaa dad nool oo soconaya, Raggii la laayeyna waa la isu qabsan doonaa.” Sidaa ayuu yidhi Caaqilku.
Waxaanu Caaqil Waraabe oo sii watay hadalkiisa intaas ku ladhay; “Markaa, Guddoomiye waxaannu ku leenahay annagoo ku ixtiraamayna, wax badanna aad ka qabatay cadaaladda, Kiiskaas ha furin ee innaga xidh, haddii aanad xidhin mushkilad badan oo caam ah oo dalka iyo dadka oo dhan saamaynaysa ayaa ka dhalanaysa, haddaad furtana dhibteedu adigay ku saaran tahay, adigaana masuul ka noqon doona.”
Sidoo kale, Cuqaal badan oo Shirkaas Jaraa’id ka hadlay, ayaa iyaguna sheegay inaan loo baahnayn wakhtigan wax laga bogsaday in la isku soo qodo, haddii la isku soo qodana ay ka dhalan doonto dhibaato badan oo saamayn taban ku yeelan doonta dalka iyo dadka Somaliland sida ay sheegeen Cuqaashaasi. Waxaanay intaas ku dareen inay Maxkamaduhu mashquuli doonaan haddii kiiskaas hadda Maxkamadda hor-yaalla la furo, isla markaana wax badan oo la iska saamaxay laga xisaabtami doono, xaaladda deggan ee dalkuna mid kacsan isu beddeli karto sida ay Cuqaashaasi ku doodeen.