|

Gaadhigii Gaarka u ahaa Cali Khaliif iyo Ilaaladiisii oo u Gacan-galay Ciidamada qaranka Somaliland

Saax-dheer:July,25,2014(SDN/QJ)-Cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka somaliland ayaa la sheegay inay soo qabteen gaadhigii uu watay Xildhibaan cali Khaliif oo dagaal dhuumaalaysi ah kula jirey somaliland.

armSida  lagu sheegay war laga akhriyey idaacadda Radio Hargeysa, waxa ay ciidanka qaranku soo saareen War-saxaafadeed ay ku faahfaahinayaan Hawlgal kooban oo ay ku soo qabteen Gaadhiga Xildhibaanka oo xilligaas ku sugnaa Aaga Saax-dheer ee Koonfurta Gobolka Sool.

Waxa lagu sheegay warka laga Akhriyey idaacadda ayaa lagu sheegay in gaadhiga ay saarnaayeen Ilaaladiisii gaarka ahayd, balse laguma sheegin wax war ah oo la xidhiidha halka uu ku dambeeyey Xildhiibaan Cali Khaliif, waxana uu u dhignaa sidatan: “Cutub-yada Ciidanka Qaranka Somaliland eek u Sugan Aagga Saax-dheer waxay Gacant ku dhigeen Badhtamihii Xalay Gaadhigii Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh, iyadoo Ilaaladiisuna Saaran tahay. Tani waxay digniin u tahay Dagaal Ooge Kasta”.

 

Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo Ciidanka Waajibaadkooda Qaran ee ay guteen, iyadoo la sheegay in war-saxaafadeedkaas uu ku saxeexnaa Taliyaha Ciidanka Somaliland Ismaacil Shaqalle.

 

Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah Hogaamiyeyaasha Kooxda Khaatumo, isla-markaana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Federalka Somalia, ayaa mudooyinkii u dambeeyay dhuumaalaysi ku jooga Degmada Saax-dheer ka dib markii Taleex Ciidanka Qaranka Somaliland ka saaray.

 

SDN/QJ

timo@qurejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed