Gaadhi Demdemis ah oo Shirkada Dahabshiil ku Wareejisay Gobolka Togdheer
Burco 03.Sep 2013 (SDN)- Shirkadda Dahabshiil ayaa gaadhi dab-damis ah oo deeq ah ku wareejisay dowladda hoose ee degmada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Maxamed Yuusuf oo ah madaxa shirkadda Dahabshiil ee gobolka Togdheer ayaa sheegay in kaddib markii ay arkeen baahida loo qabo adeegga dab-damiska ay go’aansadeen inay ku deeqaan gaariga.
Duqa magaalada Burco, Maxamed Yuusuf Muraad oo lagu wareejiyay gaariga deeqda ah ayaa u mahadceliyay shirkadda Dahabshiil, wuxuuna intaas ku daray inay jirtay baahi weyn oo loo qabay gaadiidka lagula dagaallamo khatarta dabka.
Shirkadda Dahabshiil ayaa horey gaari dab-damis ah waxay ugu deeqday garoonka diyaaradaha ee magaalada Burco.
Burco SDN.
Qurbejoog.com