|

Gaadhi Casri ah oo Damdamis ah oo Madaarka Hargaysa Maanta lagu soo Kordhiyay DAAWO

CaptureCaptureHargaysa 13.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirada Duulista iyo Hawada Mudane Maxamud Xaashi Cabdi iyo Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa Maanta ka hadlay Gaadhi Casri ah oo Damdamis ah oo loo soo iibiyay Madaarka Caasimada Hargaysa.

Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Mudane Maxamud Xaashi Cabdi ayaa Sheegay in Gaadhigani uu Wax weyn ka tarayo baahida dhinaca Damdamiska ee Madaarku qabay,Isagoo intaas ku daray in Durba ay Shirkado diyaaradeed balanqaadeen inay isticimaalayaan madaarka Waxaanu Xusay in Gaadhigan ay Xukuumadu soo iibisay.

Mudane Maxamud Xaashi Cabdi Waxa uu Fariin dardaaran ah u diray dadka ku dhow Xayn daabka Garoonka Caasimada.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa ku bogaadiyay Wasiirka iyo hawl wadeenada wasaaradda duulista dadaalkooda ku aadan Casriyaynta madaarka .

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed