Gaadhi ay lahayd Wasaarada Beeraha ee Degmad Baki oo Daad Qaaday iyo dad ku dhaawacmay
Baki 07.October 2013 (SDN)- Gaadhi Xaajiyad ah oo ay lahayd Wasaarada Beeraha ee Degmada Baki ayaa Galabta daad ku qaaday dooxa dheenta ee degmada Baki ee Gobolka Awdal,isla markaana ay dhaawacyo ka soo gaadheen laba qof oo ka mid ahaa dadkii la socday baabuurkaas.
Gaadhigan oo ay saarnaayeen Xubno uu ka Mid yahay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Degmada Baki iyo Isuduwaha wasaarada beeraha ee degmada baki ayaa u socday kormeer xog ogaal u noqosho ah oo ku wajahan roobab waxyeelo soo gaadhsiiyay beero ku yaala deegaanka Xooray ee Jiida degmada Baki.
Gudoomiyaha Degmada Baki Maxamed Axmed Caateeye ayaa noo Xaqiijiyay in gaadhigaasi ay ka soo saari kari waayeen dooxa isagoo xusay inuu shilkan dhaawac ka soo gaadhay Isuduwaha Wasaarada Beeraha ee Degmada Baki iyo Derewalkii waday Gaadhigaas .
Gudoomiyuhu waxa uu dhanka kale sheegay inaan ilaa iminka la hayn waxyeelada uu raxmaadka eebbe soo gaadhsiiyay beeralayda deegaanka Xooray .
Yuusuf Cabdi Cali oo ka mid ahaa goob joogayaashii markii shilkani dhacayay ayaa sheegay in Shiidaal iyo Saliid kala duwan oo saarnaa gaadhigaasi aan ilaa iyo haatan la hayn
Dhinaca kale Wararka aanu ka helayno Jiido ka mid ah Gobolada awdal iyo Salal ayaa sheegaya in Gaadiid badan oo ka yimid dalka jabuuti,una soo socday Somaliland iyo kuwo ku sii jeeda dalka Jabuuti ayaa ilaa iminka ku xaniban yihiin Magaalooyinka Ceel gaal, Geerisa iyo Xaleemaale .
Baki SDN.
Qurbejoog.com