|

Fursada Ugu Jirta Baanka Dhexe ee Somaliland Goaanka Bangiyada Mareykanku ku xanibeen Xawaaladaha

Minneapolis June 26,2013(SDN)-Bangiyada Waaweyn ee dalka Mareykanka khaasatan magaalada ugu Soomaalida badan ee Minneapolis ayaa xanibaad ku soo rogay qabashada lacagaha Xawaaladuhu ka soo ururiyaan Qurbejooga ehelkooda Masruufa.

Arintan ayaa fursad u ah Banka dhexe ee Somaliland una noqon karta xukuumada il dhaqaale oo muhiim u ah horu kaca dalka.

Somaliland Bakeedu waxa uu meesha ka saari karaa shakiyaadka ku xeeran hubinta cida heleysa lacagahan qurbaha laga diro.

Sidoo kale waxa ay ku qancin kartaa Bananka Caalamka in yeeshaan xiriiro dhaqaale oo ka baxsan adeega Xawilaada.

bankasl

 

 

 

 

 

In badan ayay fikradan soo jeedinayeen xeel dheereyaasha Dhaqaaluhu balse waxaad moodaa in ay mar walba xukuumadihii dalka isaga danbeeyay eegayeen danaha xawaaladaha sida gaarka ah loo leeyahay ee aan dalka anfac muuqda ku soo siyaadin intii ka danbeysay yagleelkooda.

Waxa haatana Somaliland ka talisa Xukuumad ay Ganacsatadu ku leedahay saameyn aan caadi aheyn oo marar badan keenta qaadida tilaabooyin lidi ku ah danaha Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee haatan waxa taagan caqabad iyo fursado ku xeeran sidii mudo dheer ka dib loo dardar gelin lahaa Baanka Dhexe ee Somaliland.

SDN-Minneapolis

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed