|

Funaanado Uu Ku Sawirnaa Madaxweyne Waddanka Yugandha Oo La Gubay Xubno Mucaarid ah Iyo Dadkii Gubay Oo La Qabqabtay

Kampala 23. July 2017 (SDN/QJ):- Waxa warbaahinta si weyn loogu qaadaa dhigay dad mudaharaadayaal ah oo sawirro uu ku sawiran yahay Madaxweynaha dalkoodu inta ay safaf soo galeen gubaya kuwaasi oo markii dambe booliska ammaanku ay kala direen oo dadkii garamaantaasi gubayay midmid u qabqabtay oo xabsiyada ku guray.

Sida uu ku soo warramayo wargeyska Daily Mail iyo warbaahinta maxaliga ah ee dalkaasi Yugaandha Ciidamada booliiska dalka Uganda ayaa xabsiga dhigay xubno mucaarad ku ah dowladda Madaxweyne Yuweri Musaveni, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay gubeen dhulkana ku jiid jiideen funaanado uu Madaxweynaha dalkaasi ku sawirnaa.

Dadka kasoo horjeeday Dowladda Madaxweyne Yuweri Museveni ayaa bannaan bax waxa ay ka dhigeen magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda, waxaanay dadkani ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah Madaxweynaha iyo Dowladda uu hogaamiyo iyaga oo muujinayay sida ay uga soo horjeedaan maamulkiisa iyo isaga laftiisa ahaana kuwo aad u qiiraysan oo doonaya ama ku baaqaya in Madaxweyne Museveni uu xilka isaga dago oo dalka doorasho looga dareero.

Sida ay ku soo warramayso laanta Afka Ingiriisida ee BBC-du Dadka dhigaay bannaan baxa lagaga soo horjeeday Madaxweynaha dalka Uganda ayaa watay boodhadh ay ku qoran yihiin hal kudhigyo Madaxweynaha ka dhan ah kuwaasi oo kadib sawirro uu ku sawirnaa garamaan ay soo samaysteen inta ay shaaracyada isal soo taageen dab qabadsiiyey kadibna uu boolisku baacsaday, waxaana ugu dambeyn ay gubeen funaanado uu ku sawirnaa Madaxweynaha taasi oo keentay in banaan baxayaasha qaarkood xabsiga la dhigo

Banaan-baxayaasha ayaa kasoo horjeeday qorshe dowladda dalkaasi Ugaandha wadato oo la doonayo in isbadal lagu sameeyo dastuurka dalkaasi u degsan, Dowladda ayaana doonaysa in isbadal lagu sameeyo dastuurka si Madaxweyne Museveni mar kale loogu ogolaado in uu xilka Madaxweynaha isku soo sharraxo una tartamo.

Dadweynaha waddanka Ugandha intooda badan ayaa khaati ka taagan Madaxweyne Yuweri Museveni oo muddo dheer dalkaasi ka soo talinayay walina doonaya in uu sii wato hogaaminta iyada oo dadkan mudaharaadayay ay ku dhawaaqayeen in la gaadhay wakhtigii dalkaasi ay doorashooyin xor ahi ka dhici lahaayeen oo uu isna meesha bannayn lahaas I jaanis loo siiyo jiil cusub oo dalkaasi taladiisa qabta balse Museveni ayaa doonaya inta uu dastuurka baddalo uu xilka ku soo laabto.

Comments are closed