|

Fulkaanaha Dahsoon……(Dhallinyarta Somaliland Ee Dulman)W/Q: Maxamed Cabdilaahi Biixi

MAXAMED CABDILAAHI BIIXIDhallin kasta oo waddan leeyahay shamac bay leeday, hal-door bay leedahay han iyo himilona waa ay xaqiijiyaan.

Horumarkani baaxadiisu waxay ku xidhan tahay haddba inta ummadda iskugu yeedhaa qaabka ay u fikirtaa intuu leeg yahay.

Dadku isku garaad maaha, iskuna firfircooni maaha. La kala aqoon badan lana kala aragti duwan. In baa xumaha jecel inbaase wanaaga jecel misena labeen iyo dun xariira ah.

Magaalada hargeysi waa magaalo madaxda dalka jamhuuriyada somaliland. Waa magaalo ay ku noolyihiin milyan misena leh milyaneero. Milyankani magaalada ku nool boqolkiiba 60% waa dhallinyaro wiilal iyo gabdhoba leh, ku dhawaad 40% dhallintaasi waa aqoonyahano heer jaamacadeed dhameeyay amaba ku gudda jira.

Qaar kood waa xirfadlayaal, qaarkood waa ganacsato,qaarkood waa macalimiin jaamacadeed amaba dugsiyeed.

In badan oo ka mid ahi waa shaqaale ka hawl gala hay’adaha gaarka loo leeyahay oo dhacsada bariiskooda iyo waxii dhigaal u ahba. In baa jirta bilaa camal ah lana fadhida shahaadooyinkii iyo cilmigiiba maqaaxiyaha hargeysa oo noqday fadhi ku dirir bilaa macaash ah.

Haddaba, dhallintani waxa ay wada leeyihiin intooda balwaduhu jiidan amaba aragtida quman ee saxani ku jirto han ah: horumarinta dalkani iyo dhallintiisa, in badani waqtigooga ayay ku bixiyeen ka qayb qaadashada hawlaha arrimaha bulshada oo ha aasaasaan naadiyo aqris, ururo tabarucaad, ururo dhallinyaro iyo madallo lagu kulmoba( book fairka, madallaha aqoonyahanada lagu maalo iyo waxii la halmaala). Qaar kale waxay u ridaan dhanka siyaasadda oo waxay ku foogan yihiin la socodka,tallo ka gaysashada iyo u ololaynta xisbiyada qaranka. Kuwani waa kuwo maskax furan, lehna han madaxweyne.

Haseyeeshee, dhallintani quwaddan lihi waa qaar la kala jabin karro dhamaantood. waa qaar aan dhamaantood lahayn gun hoose oo waddaniyeed, waa qaar reeraysan, waa qaar gobolaysan oo waliba xaafadaysan.

Qaar kamid ahi intanni intay ka badiyeen bay ku dadaaleen inaan la kala jabin oo ay ururo samaysteen, se isla iyagii baa qayb kasii noqday burburka dhallinta oo ururadaasi ay samaysteen waxay noqdeen qaar ay iyagu kaliya isa siiyaan unna adeegsadaan burburinta dhallinta kale ee waxqaban karta .

Siyaasiyiinta dalku ma ogolla cudud midaysan oo dhallinyareed, waxayna islamarkaaba bilaabaan kala burbirintooda amaba kusoo dhaweynta xisbigooga. Tannina waxay lumisaa danihii loo midaysnaa oo midkastaaba xisbiga uu hunguri ka helayo ama ka reer kooda buu galaa.

Inkale ganacasatada ayaa kala jajabisa oo ka wacaal qabta haddiiba dhallintani dalka hantiyaan inay keeni doonaan hanaan isxisaabin-xisaabtameed, tannina waxay keenaysaa in cashuuraha sida qaldan ay u bixiyaan kusoo baxaan iyo in sidoo kale dalka waxyaalaha bilaa tayadda ahaa ee ay keenaan laga joojiyo iyo inayba helli waayaan kootooyin mashaariic ganacsi oo gaar loo siiyo.

Dhanka kale, culimada laftoodu waa cudud cadaw ku ah koboc dhallinyaro aqoon maadi ah leh oo midooba, misena waxay u arkaan inay mabaadii ahaan isla jaanqaadi karayn amaba inay imanayso hanaan lagu wada xisaabtamo oon u saamixi doonin hanaankan dhiig miirasho ee hal wadaad intuu madarasad uu ku furto misena 50,000$ bishii u xaroonayaan.

Hadda intani uun maaha ee meeshay u dhimatay baa iyana ah inuu jiro ururweyne ku magacaaban urur weynaha dhallinyarta ee heer qaran(sonyo), manaha madashani mid sida xaqiiqda ah ka turjunta magacani ay sido se waa xarun u aasaasan dabar goynta caqliga saliimka ah ee dhallinta, waa madal u aasaasan in laga shaqaysto misena u shaqayn dhallinta, waa madal aan lahayn awood ay kaga qayb qaadato arrimaha masiiriga ah ee dalka, waa madal soo doorashada xubnaheegu intii ugu danbaysay qaab qabyaaladeed ku dhisnaayeen(doorashaddii hogaan sarre ee sanadkani dhacday), waa madal aan u sinayn dhamaanba laamaha qarankani matala ee dalka ka jira.

ku dheeraan maayo oo haddiiba aan sii daba galo heer bay gaadhaysaa ilaa aan u dhaadhacno in waxuba isla burbursanyihiin oo iyaga laftoodu lahayn han dheer oo ay dhallinta qarankani dayacantahay.

Halaag badan baa dhallinta dul hoganaysa, misena inta dareensan halaagani maaha in diyaar u ah naf hurid iyo xoraynta qalbiyada dhallinta ee cabsida iyo cabudhintu dishay.

Fulkaane ayaa aasan se goor dhaw buu inagu qarxi doonaa, olol badan baa laabahooga ka guuxaya se mar dhaw baa ciddi daboolka ka qaadi doontaa misena ololkaasi solli doonaa dhamaanba intii liddiga ku ahayd.

Haddaba, si dhallinta dalku hor u kac u samayso:-

Uma baahna madal la yidhi waa hool dhallinyaro misena aan qaadayn in ka badan 300 oo qof.

Uma baahna in caqliyadooda ay ku ciyaarta in soo hortaagnayd ilaa 2000.

Uma baahna caqliyad reeraysan iyo caadifad aan meel gaadhsiisnayn.

Uma baahna ururo misena aan lahayan dan dheer iyo hillaadin fog.

Uma baahna madal mideyn iyo waxaan macno soo kordhinayn, se waxay u baahantahay daraasad cilmiyaysan oo qeexda qaladka jira iyo sida loo saxayo( kolay kolay ku erri xikmad badan iyo macno ma soo kordhiso).

Uma baahna inta hadba hogaanka haysaa inay dhaameel raac noqoto.

Uma baahna in ururado qaab xeeladaysan reero u kobciyaan dhallintooda misena qaar kale hoos u liidaan.

Uma baahna hogaan dhallinyaro oo haybad ka radinaya wasiir. Laakiin waxaa loo baahanyahay hogaan dhallinyaro oo laga haybadaysanayo.

Uma baahna eex,garasho,qabyaalad iyo wax kale in dhallinta lagu soo kala dhaweysto marka madallaha la joogo.

Uma baahnin sida ururo iyo meelo badan oo dhallintu ku kulanto ka jirtaba wiil dhallinyaro ah oo digtaytar ah misena meesha mar loo dhiibo aan ka daadagin.

Gabo-gabo

Dhallinta laftooda waxaan leeyahay qaab fikirkeenu ha noqdo: think globally but act locally. Yaynaan is garan waayin cidda aynu nahay iyo waxa la inaga rabo.

Intiina dalka joogtaa quwad baad tihiine u midooba danta dalka iyo ta dhallinyartaba. Waxaa jira waxqabadyo badan ood wax kusoo kordhin kartaan ee kuwaasi ka faa’ideeya si awoodiina u dhalasho (your innert potential) loo ogaado.

Ha noqonina dhaleeceeyayaale ugu yaraan sameeya bandhig iyo daraasado cilmiyaysan ood xataa kusoo casuumaysaan inta qaladka aad ku tuhmaysaan si heer academik ah layskugu saxo layskuguna calool fayoobaado.

Ha noqonin kiina la dhaleeceeyaw mid naca ka dhaleeceeya se noqo mid fahmay in lays challenge garayn karo oonla isa sixi karo.

Dhallintu hadda waxay maraysaa meel aad u caqliyad hoosaysa oo burbirsan waa in dulman iyo in wqx dulminaysa uun. Ma jiro shamac iyo hal-door la hiigsadaa.

Mana jirto daneeye dan ummadeed ahi se daneeye dan shaqsiyaad ah baa jira.

FG: ciddii iska dhex aragta qoraalkani waxaan xasuusinayaa inayna walaahi nacayb iga ahayn se jacayl aan kaa qabo oon ku rabo inaad sii wanaagsanaato uu yahay.

Q/Q: Maxamed Cabdilaahi Biixi

Comments are closed