Fu’aad Aadan Cade oo Xaaladiisa Caafimaad la go’aamiyay in Turkiga lagula eerto,iyo Caqabad ka hor timid
Hargaysa 24.May 2015 (SDN/QJ):-La-taliyihii Madaxweynaha Somaliland ee Gobollada Bariga Fu’aad Aadan-cadde oo u jiifa dhaawac kasoo gaadhay shil gaadhi oo uu madaxtooyada dhexdeeda ku galay, ayaa ka ka hadlay xaaladdiisa caafimaad waxana uu sheegay inuu diyaar u yahay sidii uu dhakhtar dibadeed ugu bixi lahaa.
Fu’aad Aadan-cadde oo warbaahintu ku booqanay Cisbitaalka Gargaar oo uu jiifo, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay diyaarisay sidii loogu qaadi lahaa Cisbitaal dibadeed, waxana uu intaas ku daray inuu u baqooli doono dalka Turkiga oo isagu doortay in lagu soo daaweeyo, “markii halkan la ikeenay ee la I baadhay Taladii Dhakhaatiirtu waxa ay noqotay in dibadda la ii qaado, dawladduna lacag bay bixisay fiisihiina way raadisay, passport-kiina way raadisay. Intiibana way ku guulaystay oo way soo heshay haatanna Turkiga, ayaa la igeynayaa.” Ayuu yidhi Fu’aad Aadan-cadde.
La-taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Arrimaha Bariga Fu’aad Aadan-cadde, waxa uu sheegay in dhammaanba wixii kharash iyo shuruuc ah ee uu ku bixi lahaa diyaar yihiin, balse uu la’yahay Diyaarad uu raaco, iyadoo dhaawaca uu qabo darteed ay diyaaradihii waddanka ka bixi jirey diideen inay qaadaan, waxana isagoo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,
“Dhaawacayga Lugta Bidix, ayaa waxa ay ka jaban tahay inta aan misigta la gaadhin, dalka aan tegayo anigaa qorshaystay oo Dawladdu lacag bay isiisay, waxase wax lala yaabo ah imika Fiisihii iyo Passpor-kiiba waan haystaa, haddana Diyaaradihiibaa waxay leeyihiin qof jaban ma qaadno, waxan hadda is leeyahay somaliland miyaan dad hore ka jajabi jirin. Waxana haboon in qofkii Emergency ah la qaado illayn wax waliba waa dhacayaane, Haatanna dhibaatada taagani waa diyaar I qaadda baa la la’yahay.”
Dhinaca kale Fu’aad Aadan Cadde waxa uu ka Hadlay khilaafyada waddanka ka taagan, waxana uu soo jeediyey in la isu tanaasulo oo sidii caadadu ahayd la isu dulqaato, waxana uu yidhi,
“In badan wada-hadal iyo isu tanaasul baa lagu soo dhaqmayey somaliland maantana waxan ilaahay ka baryayaa inaanay dhibaato iman, waxana aan soo jeedinayaa in sidii la isugu tanaasuli jirey la isugu tanaasulo. Shacabkana waxan leeyahay wax loo samro dalkaa ugu wanaagsane samirkoodii ha wadeen.”
Fu’aad Aadan-cadde, oo Muddo Bil iyo toddobaad ku dhaw jabniin qaba, isla-markaana aan waxba laga qaban xaalladiisa, ayaa wali diyaarad la’aan ugu xanniban Gudaha Magaalada Hargeysa, waxana wali aan la hubin maalinta Rasmiga ah ee loo qaadi doono Cisbitaalka uu dalbaday, iyadoo dhammaanba Passpor-kiisii iyo Viisihiiba ay diyaar u yihiin.
Hargaysa SDN/QJ