Fu’aad Aadan Cade oo Si Cad u Sheegi waayay Inuu Somaliland ka Goostay iyo Waxa iska Bedelay Mawqifkiisii
Hargaysa 12.Aug 2014 (SDN/QJ)- La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha gobolada bari Fu’aad Aadan Cadde,ayaa ka hadlay warar lagu sheegay in uu u galay Puntland isla markaana uu ka goostay Somaliland.
Fu’aad Aadan Cadde oo ku sugan miyiga degmada Xuddun ee gobolka Sool oo uu ku sugnaa muddooyinkii dambe oo dhan.
Fu’aad Aadan Cadde oo Warbaahintu khadka Tilifoonka kula xidhiidhay isla markaana ay wax ka weydiisay waxa ka jira wararka sheegaya in Fu’aad Aadan Cadde uu u tegay dhanka Maamul goboleedka Puntland kana goostay Somaliland maalin ka dib markii lagu soo dhaweeyay Puntland Axmed Cabdi Xaabsade ooh ore u ahaa Wasiirkii Hawlaha Guud ee Somaliland laakiin xil ka qaadistiisa ka dib ka baxay Somaliland,ayaa ku jawaabay.
“Horta imika waxaan ku suganahay miyigii oo reerkii ayaan la joogaa iyo odayaashii laakiin warkaa imika ka hadli maayo.” Fu’aad Aadan Cadde oo aanu mar labaad weydiinay imika waxa uu kaga jawaabayo in uu Puntland u galay kana tegay Somaliland oo warbaahintu qortay,ayaa mar kale ku celiyay.
“Waxaan hadda arrintaa ka odhanayaa ma jirto laakiin mar kale ayaan ka hadlayaa.”
Fu’aad oo aanu mar kale waydiinay in uu Somaliland siyaasiyan quus uga taagan yahay waxna diidan yahay ayaa mar kale ku adkaystay. “Taana ka hadli maayo laakiin arrintaa warkeeda dib ayaan ka sheegi doonaa.”.
Sidoo Kale Xidhiidhada ay Warbaahintu la Samaysay ayaa Mar kale Waxa uu Yidhi “Adeer arrinkaas inaan ka Jawaabo ma doonayo,mana Beeninayo mana rumaynayo Xuduna Waa Gurigaygii”.
Fu’aad Aadan Cadde oo lagu yaqaanay hadal caddaan iyo in aanu hadalka la gabban oo waxa uu diidan yahay mar walba ka hadla,ayaan arrintn sidii lagu yaqaanay aan uga hadal isla markaana in uu goostay oo uu Puntland galay iyo in uu Somalilandtii uu aaminsanaa ku adagyahay midnaba aan sheegin.
Hadalka maldahan ee uu kaga jawaabayFu’aad Aadan Cadde weydiinta su,aashan,ayaa u muuqata mid ku lammaan mawqif siyaasadeed oo wali aanu diirka ka qaadin isla markaana soo bixi doona maal maha soo socda waxaanse la garanayn in uu ku adkaysan doono mawqifkiisii Somalilanderka ahaa iyo in uu u huleeli doono dhanka Puntland taasina waxy caddaan doontaa wakhtiyada soo socda sida uu fu’aad sheegay.
Dhinaca kale Fu’aad Aadan Cade waxa la sheegayaa safarkiisa in ay Xukuumaddu ka danbaysay markii hore oo ay u dirtay sidii uu uga maslixi lahaa dadka soo jeeda deegaankiisa oo diidmo kala hor yimi shirkad Shiidaal ka baadhaysa, taasoo aanu waxba ka ogayn markii la diray, balse la wargeliyey in uun markii laga hor yimi.
Fu’aad Aadan Cade sida wararka ka soo baxayaa sheegayaan wuxuu bilihii u dabeeyey ka cadhaysnaa qaabka ay Xukuumaddu u maamulayso hawlaha ku aadan Goboladaasi gaar ahaan shiidaalka, kuwaas oo aan waxba lagala socodsiin isagoo ah Oday weyn oo Siyaasi ah isla markaana Aamisan Somalilandnimada.
Xogahani waxay sheegayaan In Fu’aad maalmahanba ka cadhaysnaa Joogitaanka Somaliland, waxaana la hadal hayaa in uu marka horeba usii socday laba jiho oo midkood tahay Puntland, ta kalena tahay Khaatumo, kuwaas oo la hadal hayo inay beryahanba la soo xidhiidhayeen.
Ma cada in Xukuumadda Somaliland ka hawl gashay baajintiisa iyo inay Ogtahay qorshihiisa toona, hase yeeshee wararka hoose waxay sheegayaan in Qoyskiisu u xadhko xidhan yihiin sidii ay uga daba tagi lahaayeen, iyagoo lagu wado inay si rasmi ah uga guuraan Somaliland.
Siyaasiyiin iyo Odayaal ka soo jeeda Gobolka Sanaag iyo Sool ayaa beryahan u xadhko xidhan inay ku biiraan maamulada Khaatumo iyo Puntland, kuwaas oo ka cadhaysan Shiidaalka laga baadhayo deegaanadooda oo aanay waxba kala socon ama ay doonayaan in ay gadh-wadeen ka noqdaan.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com