|

Fowsiyo Yuusuf iyo Xildhibaan Kale Oo Matalaya Gobolada Waqooyiga Ee Somaliland Oo Ku Guuleystey Xildhibaanada Aqalka Hoose Ee Somaliya

Muqdisho 02. January 2017 (SDN/QJ):- Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee matalaya goboladda waqooyi ee Somaliland, waxaana ku soo baxay qaar ka mid ah xildhibaanadii baarlamaanka ka tirsanaa.

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa ku guuleysatay doorashada kursiga koowaad ee beesha Garxajis -Isaaq ee golaha shacabka, waxaana ay ka guuleysatay seddex musharax oo la tartameysay.

 

Fowsiyo Yuusuf, ayaa heshay 45 cod, waxaana natiijada guusheeda ku dhawaaqay guddiga doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee gobolada waqooyi.

 

Dhinaca kale Muuse Ismaaciil, ayaa ku guuleystay doorashada kursiga seddexaad, wuxuuna helay 48 cod.

 

Muuse Ismaaciil Jaamac, ayaa ka guuleystay Musharax xildhibaan Faadumo Cismaan Nuur.

 

Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee matalaya gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa maraysa heer gebo-gabo ah, waxaana xigi doonta doorashada xildhibaanada aqalka sare u matalaya gobolada waqooyi.

Comments are closed