Fool Maroodi Loo Tahriibinayey Masar oo lagu Qabtay K/Sudan.
Jubbah 11. December 2016 (SDN/QJ):- Badhtamihii Todobaadkii Tegay waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jubbah ee Dalka K/Sudan lagu qabtay fool maroodi miisaankiisu gaadhayo ½ Ton kaas oo sida la sheegay loo tahriibinayey dhanka Dalka Masar.
Magaalada Jubbah, Caasimada Dalka ay colaaduhu ragaadiyeen ee K/Sudan ayaa muhiimad weyn u leh isu socodka duulimaadada dalalka Afrika iyadoo saraakiisha madaarkaasi sheegeen inay wadashaqayn kala leeyihiin hay’adaha ammaanka ee dalalka Gobolka sida looga hortegayo ka ganacsiga fool Maroodiga.
Brig. Gen. Khamis Adieng, oo ah afhayeenka Wakaalada ilaalada duurjoogta ee K/Sudan waxa uu warbaahinta u sheegay in shixnada fool maroodiga ah laga soo raray dal ku yaalla gobolka oo aanu magaciisa xusin, iyadoo si qarsoodi ah loo soo saaray diyaarad ay leedahay shirkada Ethiopa Airlines oo ka soo duushay dhanka Kenya, loona waday shixnadda dhanka Dalka masar.
Qabashada fool maroodigani waxay ku soo beegantay lix bilood ka bacdi markii ay K/Sudan ay gubtay 5 Ton oo fool maroodi ah oo xilliyo kala duwan la qabtay iyadoo gubistiisana lagu beegay xuskii maalinta caalamiga ah ee Deegaanka ee sanadkan 2016.
Booliska K/Sudan ayaa caddeeyey in la xidhay dadkii watay fool maroodigaa baadhitaanana lagu hayo.
Dawlada K/Sudan ayaa hore cadaadis ugala kulantay Jimciyada ilaalinta nolosha duurjoogta ee dalka Maraykanka oo uga digtay Dalkaasi inay fool maroodiga u adeegsadaan ilo dhaqaale oo ay dagaalada u isticmaalaan, iyadoo Jimciyadu werwer ka muujisay wararka sheegaya in dalkaasi gudihiisa lagu ugaadhsaday 500 maroodi mudadii 4 sanadood ahayd ee u dambaysay ee uu dagaalka sokeeye ka socday K/Sudan.