|

Fiqi oo kulamo gooni gooni ah la qaatay Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabta

Muqdisho Dec 16 2012 (SDN)— Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa siyaabo goonigooni ah ugu qaabilay Danjireyaasha Q/M iyo Jaamacadda Carabta u fadhiya Somalia,wasiirka ayaa ugu horreyn la kulmay Ambassador mahiga Ergayga Q/M u qaabilsan Somalia waxa uuna kala hadlay arrimo ku saabsan Kordhinta Taageerada Q/M ee Somalia iyo sidii ay Dowladda Federaalka ah iyo Q/M isaga kaashan lahaayeen Xanaaneynta iyo Dhaqancelinta Dhallinyarada kasoo baxsata shabab ee isu soo dhiibta Dowladda.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in Maanta ay isu soo dhiibeen Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada jowhar in ka badan 30 ka tirsan Kooxda Shabab kuwaasoo ogaaday inaysan kooxda alqaacidada u haynin wax mustaqbal ah ,waxaa naga go’an in aan daryeelno oo aan dhaqan celin u sameyno” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya C/xakiim Fiqi.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Difaaca Axmed Maxamed Maxamuud iyo Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Gen.Dhegobadan.

Waxa uu Dhanka kale wasiirka Gaashaandhiggu Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda carabta u jooga Somalia Ambassador Maxamed cabdalla Idiris oo ay ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka ka dhexeeya Dowladda iyo Jaamacadda carabta,doorka kaga aaddan jaamacadda carabta qaadista Cunaqabateynta xagga hubka ah ee saran Somalia maadaama ay dhibaato ku tahay Horumarrada Ciidamada Qaranka ka gaarayaan Dhinaca Amniga wadanka.

Safiirka jaamacadda carabta ee Soomaaliya ambassador Maxamed cabdalla Idiris ayaa si adag u ballanqaaday in jaamacadda carabtu ay dhan walbo ka taageereyso hay’adaha Amniga ee Dowladda kana qeybqaadan doonto dib u dhiska Ciidamada maadaama amniga Somalia uu muhiim u yahay Amniga Dowladaha ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.

SDN-Muqdisho

Comments are closed