Finland oo ka digtay deganaansho-la’aan Somaliland ka dhacda
Hargeysa. 4 August, 2022. (QJ)- Dawladda Finland waxay war kasoo saartay xaaladda cakiran ee siyaasadda Somaliland, iyadoo walaac wayn ka muujisay meesha ay wax marayaan hadda.
Waa baaq qayb ka noqonaya walaacyo ka imanaya Beesha Caalamka oo ku aadan heshiis laga gaadho khilaafka siyaasadeed ee Somaliland ka taagan.
Ergeyga gaarka ah ee dawladda Finland u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo nabadaynta gobolka Geeska Afrika ayaa war uu Finland ku metelayo kasoo saaray arintan.
Suldaan Siciid Axmed oo ka mid ah masuuliyiinta ugu xilka sareeya ee abid Somaliland soo booqday wuxuu dhawaan booqasho ku yimi Somaliland isagoo la kulmay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye iyo isbahaysiga mucaaradka Somaliland, xili UU waday dedaalada ay Finland ugu jirto xaslinta gobolka Geeska Afrika.
Dawladda Finland waxay xustay in ay ka walaacsan tahay xaaladda is marai waaga ah ee taagan.
“Somaliland waxay ka mid ahayd wadamada ugu nabdoon Geeska Afrika, taas oo horumarka laga sameeyay dimuqraadiyaddu ay rejo u ahayd gobol xasarado ka aloosan yihiin. Imika, deganaansho la’aan siyaasadeed oo dhacdaa waxay meesha ka saaraysaa horumarkaa la sameeyay.” Ayaa lagu yidhi warka dawladda Finland ee kasoo baxay xafiiska ergeyga gaarka ah ee Finland u qaabislan nabadaynta iyo dhexhdexaadinta goblka, Suldaan Siciid Axmed.
Finland waxay ka digaysaa in Somaliladn ay qayb ka noqoto xasaradaha iyo danagaan sho la’aanta Geeska Afrika ka jirta, iyadoo gobolku uu la daalaa dhacayo abaaraha xoogan ee ka jira.
Ugu danbayn dawladda Finland waxay ku baaqday in miiska wada hadalka lagu dhameeyo khilaafka jira, iyadoo Golaha Guurtida u soo jeedisay in ay doorkooda ka qataaan arintan.