|

Film ku saabsan Abaaraha iyo Colaad Soomaaliya oo Tehraan lagu soo bardhigay

Tehran Sept 10,2013(SDN)-Film ay sameysay shirkad laga leeyahay Iraan oo ka waramaya Abaaraha iyo Colaada Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay dalkaasi.

Filmkan oo la yiraahdo “The Fourth Child”ayaa lacagta ka soo baxda loogu deeqi doonaa caruurta Soomaaliyeed,sida Shirkada filmka sameysay ay sheegtay.

Shirkada Farabi iyo madaxa shirkaadaasi Axmed Mir-Alia ayaa sheegay in ay rajeynayaan in Filmkoodu indhaha caalamka ku soo duwi doono xaalada murugsan ee caruurta Soomaaliyeed ku nool yihiin.

Filmka ayaa ku saabsan haweeney kalkaaliso caafimaad ah oo Soomaaliya u tagtay in ay ka qeybqaadato gacan qabad biniaadamnimo ee Soomaaliya loo fidinayay,ka dibna isu bedeshay sawir qaade si ay xaalada murugsan ee dalka u soo bandhigto.

Filmka oo haatan lagu soo bandhigay Tehran ayaa waxa daawashadiisa lagu casuumay danjireyaasha dalalka Brazil,Bengaladesh iyo Giriiga.

Filmka ayaa waxa metelaya qaar ka mida jilaayaasha Iraan ugu caansan oo ay ka mid yihiin Mahtab Keramati, Mehdi Hashemi and Hamed Behdad.

Waa markii u horeysay ee dalka Iraan lagu soo bandhigo film noocan ah oo ka waramaya xaalada Soomaaliya.

SDN-Tehran
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed