Filim Dhiirrigelinaya Falalka Hubaysan ee Dhalinyarada oo Hargeysa lagu sameeyey iyo Mooganaata Hay’adaha ay khusayso DAAWO
Hargeysa, 27 December, 2015-(SDN/QJ):- Filim u muuqda mid dhiirrigelinaya falalka dhalinyarada ku hubaysan Mindiyaha iyo Faashashka ee ay dadka ku baadhaan oo lagu sameeyey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa bishii hore lagu baahiyey Baraha bulshadu ku xidhiidho ee Internet-ka.
Filimkan oo magaciisa lagu sheegay RAJO, isla markaana ku jiraan muuqaallo dhalinyaro shaqo-la’aan ah loogu baaqayo inay ka shaqeystaan falalka dhaqan-xumada ee baadhashada dadka Suuqyada magaalada, ayaa dad badani is-weydiinayaan sababta loo sameeyey iyo ujeeddada laga lahaa samayntiisa.
Samaynta Filimkan Rajo oo bilawgiisa lagu sheegay inuu fikraddiisa lahaa nin magaciisa lagu sheegay Ibraahim Maxamed Laag, isla markaana uu sameeyey Guuleed Maxamed Kaahin, ayaa muuqaalladiisa ay ku jirtaa Gabadh la socota Wiil oo fal Tuugannimo ah ku kacaysa iyo koox metelaya Ciidan oo Nin Toogasho ku xukumaya.
Marka loo eego alifaadda Filimkan oo noqonaya dhaqan ku cusub Bulshada Somaliland, isla markaana bilaabi kara hiwaayad dhalinyaro badani ku deyan karaan, ayaa dhinaca kale waxa muuqda inuu meesha ka maqan yihiin doorkii iyo kaalintii Hay’adaha dawladda ee u xil-saarnaa ilaalinta anshaxa iyo dhaqanka Bulshada.
Qodobka 22-aad ee Xeerka ilaalinta Anshaxa iyo Nabadgelyada guud, oo ka hadlaya Bandhig-masraxiyeed iyo Daawsho Filim, ayaa qoraya: Fagaare laguma soo bandhigi karo Bandhig-masraxiyeed ama daawsho Film aan fasax loo haysan si waafaqsan Xeerakan.
Sidoo kale, Qodobka 23-aad oo ka hadlaya Guddiga Ruqsadaha Bandhig-masraxeedka iyo Filimada, ayaa farqaddiisa 3-aad u dhigan tahay:- Guddigu wuxu joojin karaa Bandhig-masraxiyeed, daawsho Film sababo la xidhiidha xasilloonida guud, Anshaxa, Dhaqanka iyo Diinta”. Hase-yeeshee, gebi ahaanba waxa uu u muuqdaa mid aan la dhaqan-gelin Guddiga oo ku tilmaaman inuu Wasiirrada Dhaqanka iyo Ciyaaruhu magacaabaan.