|

”Fikir ahaan kuma qanacsani go’aanka kasoo baxay Maxkamada sare , balse waxaan xushmad u hayaa xukunka maxkamada ” Madaxweynaha Guushiisa la Laalay ee Kenya Uhuru Kenyatta DAAWO

Nairobi 02. September 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay go’aankii kasoo baxay Maxkamada sare ee dalkaasi ee lagu laalay doorashadii uu ku geestay ee dhawaan ka dhacday dalkaasi.

Waxa uu sheegay Madaxwenaha in uu kasoo horjeedo go’aanka ee Maxkamada sare ku baabi’isay guusha uu gaaray, balse uu ixtiraamayo una hogaasami doono go’aanka kasoo baxay Maxkamada sare.

”Fikir ahaan kuma qanacsani go’aanka kasoo baxay Maxkamada sare , balse waxaan xushmad u hayaa xukunka maxkamada ” Auu yiri Madaxweynaha dalka Kenya oo ka hadlay Telefishinka dalkaasi.

Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay in Go’aanka Maxkamada sare soo saartay uu dhalin karo kacdoon siyaasadeed iyo khilaaf soo kala dhex gala Shacabka dalkiisa waxaanu xusay in maanta qof kasta oo Kenyaan ahi uu u baahan yahay nabad.

Madaxwenaha dalka Kenya ee guushiisa la diiday ayaa ugu baaqay shacabka dalka Kenya in ay xasilooni ay muujiyaan ,waxa uuna sheegay in diyaar u yihiin in dadka Kenya dib ugu laabtaan iyaga oo wata ajandahooda saxda ah.

Magaalooyin kuyaala dalka Kenya waxaa ka bilowday banaan baxyo lagu taageerayo laguna soo dhaweenayo go’aanka kasoo baxay Maxkamada sare ee lagu baabi’iyay doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaasi ee mar kale lagu doortay Uhurru Kenyatta.

Isbahetsiga Mucaaradka ee iyagu Maxkamada sare u gudbiyay dacwada doorashadii ka dhacday dalka Kenya ayaa si weyn usoo dhaweeyay go’aanka Maxkamada sare ee maanta ku baabi’isay guushii doorashada ka gaaray Uhurru Kenyatta.

Maxkamadda ugu saraysa dalka Kenaya ayaa go’aamisay in lagu celiyo doorashadii dhawaan lagu soo gabogabeeyay Kenya ee guddiga doorashadu ay ku sheegeen in uu ku guulaystay madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta.

Taariikhda Kenya waa markii koobaad ee doorasho Madaxweyne ay maxkamadi dib u celiso, waxaana dalkaasi si weyn looga hadal hayaa go’aanka kasoo baxay Maxkamada sare ee lagu diiday natiijada doorashadii ka dhacday Kenya.

Comments are closed