|

FIFA oo ka walaacsan dib u dhac ku yimi diyaar garowga ciyaaraha aduunka

Curitiba Jan 23,2014(SDN)-Xoghayaha Guud ee FIFA ayaa booqasho uu ku tegay magaalada martigelineysa Ciyaaraha Kubedda cagta ee Aduunka waxa uu ku soo qiimeeyay dib u dhac ka muuqda diyaargarowga halkaa ka socda.

Jarome Valcke waxa uu shegay in dibu dhaca ka muuqda qaar ka mida garoomada ciyaaraha ay sababi kareyso in laga wareejiyo magaalada Curitib.

In ka yar shan bilood ayaa ka harsan furitaanka ciyaaraha aduunka oo sanadkan lagu qaban doono dalka Brazil.

“Aanu dhabta ka hadalo. Maanu jecleysan xaalada Garoonka,ma aha uun dib u dhac ee daahid”ayuu yiri xoghayaha FIFA Mr Valcke.

Dawlada Brazil iyo FIFA ayaa bixinaya $17 million oo dollar oo lagu dardar gelinayo diyaar garoowga garoomada ciyaaraha aduunka ee sanadkan.

Madaxa FIFA ayaa ku caan baxay diyaargarowga Brazil ee ciyaaraha aduunka ee uu dalkaasi martigelinayo.

SDN-Curitiba
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed